Badhasaabka Gobolka Hawd Oo 1500 Qoys U Qaybiyey Timir dhacday ,Tii Guddida Abaaruhu u Soo Dhiibteyna Ku Rogtey Bakhaar Ku Yaalla Hargeysa.

0
Saturday January 21, 2017 - 19:31:51 in by Burco Office
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Hawd Oo 1500 Qoys U Qaybiyey Timir dhacday ,Tii Guddida Abaaruhu u Soo Dhiibteyna Ku Rogtey Bakhaar Ku Yaalla Hargeysa.

    Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan ayaa Timir dhacday u qabiyey Dadka ay Abaaruhu Halakeeyeen ee ku dhaqan Deegaanada Kala Duwan ee Gobolka Hawd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan ayaa Timir dhacday u qabiyey Dadka ay Abaaruhu Halakeeyeen ee ku dhaqan Deegaanada Kala Duwan ee Gobolka Hawd.

Timirtan uu Badhasaabka Gobolka Hawd u Qaybiyey Dadka Abaareysan ayaa ahayd mid dhacday Sanadkii Hore Wararka ayaa sheegaya in Badhasaabka Gobolka Hawd uu Timirtii loogu Talagaley Dadka ay Abaaruhu ku dhufteen ee ay Gudida Abaaraha Heer Qaran ay Ugu Soo Dhiibeen Gobolka Hawd uu Bakhaar ku yaala Magaalada Hargeysa uu ku Rogtey,isla markaasina uu Qiimo Jaban soo siistay Timirtan dhacday.

Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan ayaa Timirtan Dhacday u soo Qaybiyey in ka badan 1500 qoys oo ah Bulshada Abaaruhu sida Ba’an u saameeyeen ee ku Nool Deegaanada Hoostaga Gobolka Haw d oo kala ahaa:-

Deg.Bali-gubadle

Deg.Bali-Cabane

Deg.Sayla

Cuna-Qabad

Musaajidka

Ina-Cunaaye

Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Cali ayaa ah Nin aan ka warhayn xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin Bulshada Badhasaabka looga dhigay ,Maadaama uu daganyahay Magaalada Hargeysa,Bulshada ayaa ka wada dharagsan in Badhasaabka Gobolka Hawd, Marka uu yimaado Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd-na uu Maalmo Kooban Dagnaado All-beerko ka dibna uu Magaalada Hargeysa ku laabto isagoon Xogo-gaal u Noqon xaalada Nololeed ee Bulshada Gobolka Hawd.

timirtimir-2

Geesta kale Bulshada kala duwan ee Gobolka Hawd ayaa Quus ka taagan Badhsaabkan maadaama oo uu ku Fashilmay in uu Gobolka Horumar Muuqda ku soo Kordhiyo,Iyadoo uu Shaqadii Qaranku u igmaday uu kaga Mashquuley Dano gaara oo Ganacsi oo ay ka mid tahay in uu ka Baacmushtaro Raashinkii Gudida Abaaruhu Ugu Talagaleen Dadka abaareysan ee ku dhaqan Deegaanada Gobolka Hawd

Badhasaabka Gobolka Hawd Mar aanu isku Daynay in aanu Wax ka Weydiino Timirtan Dhacday ee uu maanta qaybiyey iyo Halka uu Mariyey Raashinkii Gudida Abaaruhu u soo dhiibeen ayuu Naga Qaban-Waayey Telefoonkiisa Gacanta oo aanu marar badan wacnay.

Si Kastaba ha ahaatee Timirtan Dhacday ee uu maanta Badhasaabka Gobolka Hawd U Qaybiyey Bulshada Abaareysan ayaan la saadaalin Karin caafimaad ahaan waxay ka Mudan doonaan Bulshada loo qaybiyey.

Xigasho Somaliland today