Somaliland Maxay Ka Filan Kartaa Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Mareykanka? W/Q Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
Saturday January 21, 2017 - 19:44:08 in by Burco Office
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Maxay Ka Filan Kartaa Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Mareykanka? W/Q Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Sida aynu wada ognahay waxaa isbedel ku yimid siyaasada dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu wada ognahay waxaa isbedel ku yimid siyaasada dalka

aduunka awooda badan ee Mareykanka, waxaa meesha baxay madaxweynihii sideeda sanadood ka talinayey aqalka cad, kaas oo ahaa madaxweyne Barack Xussien Obama oo ka soo jeediyey xisbiga Dumuqraadiga ah, ahaana madaxweyne madow oo aabihii ka soo jeediyey geeska afrika, gaar ahaana dalka Kenya.


Waxaana dhowaan dalka mareykanka loo doortay Donald J Trump, oo noqday madaxweynihii 45-aad ee dalka Mareykanka, waana shaqsi aduunka ay fajac ku noqotay soo guushiisii lama filaanka ahayd, waxaa uu ka soo baxay xisbiga Jamhuuriga, weligii siyaasadda ma uu gelin, waana taajir aad u fudud oo wuxuu doona sameeyey, intii uu ku jirey tartanka doorashada waxaa soo

wajahay fadeexado waayeyn.
Tan iyo markii la doortay madaxweyne Trump oo shalay uun xafiiska la wareegey, waxaa soo baxayey dhaliilo xoogan ay u soo jeedinayey shacabka Mareykanka, siyaasiin iyo warbaahinta dalkaas, caleemaarkiisana waxaaba hadheeyey mudaharaadyo, iyada oo shaki la geliyey qaabkiisa hoggaamineed, sidoo kale loo arkay in uu ka leexinayo dhabihii siyaaseed dalka Mareykanka, isaga oo Trump markiiba dhinaca saaray dalka Ruushka oo ay iska horjeedaan siyaasada Mareykanka.

Madaxweyne Obama Muxuu Siyaasada Somaliland Ku soo Kordhiyey 8 Sano Uu Madaxweynaha ahaa?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama Sideed Sano oo uu joogey aqalka cad ee Mareykanka ma jirto wax uu ku soo kordhiyey siyaasadda Somaliland, balse waxaa uu aqoonsaday dalkii aynu kala tagnay ee somaliya, waxaanu noqday madaxweynihii Mareykan ee ugu horeeyey ee safiir buuxa u soo magcaaba soomaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe, waxaanu soo magcaabay Ambassador Stephen Schwartz.

Sidoo kale Obama waxaa uu kordhiyey hawlaha la dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika, gaar ahaana soomaliya, balse wuxuu ku guulaysan waayey in uu wax qabto qalaasaha iyo dagaalada lagu hoobtey ee ka socda soomaliya.

SomalilandIyo Filashada Madaxweynaha Cusub

Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald J. Trump, waxaa ay Somaliland ka rajaynaysaa in uu ula dhaqmo siyaasad ka duwan tii madaxweynihii ka horeeyey oo isagu indhaha ka qarsaday dumuqraadiyada iyo horuumarka Somaliland.

Waxaynu ka filan karnaa in uu Somaliland ula dhaqmo sida uu ula dhaqmay dalka aan la aqoonsan ee Twain, taas oo madaxweyne Trump sheegay in laga guurayo wixii la odhan jirey Chine keli ah {One Chine Policy}, oo uu si toos ah ula macaamili doono dalka aan la aqoonsan ee Twain, taasoo Chine ka xanaaqay.

Waxaynu ka filaanaa madaxweynaha cusub in uu fahmo sida uu u fahmay Twain in aanay jirin wax la yidhaado, soomaliweyn, oo taas beri hore laga guuray somalilandna ay tahay dalka madax banaan oo aduunka ka doonaya aqoonsi caalami ah.

Sidoo kale waxyaabaha uu kaga duwaanan karo madaxweynaha cusubi kii isaga ka horeeyey marka la eego arrimaha Somaliland, waxay noqon kartaa in uu si toosa Somaliland ula xidhiidho, marka la eego danaha badan ee uu ka yeelan karo bariga Afrika, gaar ahaana Somaliland markasta ah goob muhiim ah, ay ka dhisan tahay dowlad dumuqraadi ah, nabad ah, door muhiim ah ka ciyaartay la dagaalanka argagixisada iyo budcad-badeedka.

Waxaa kale oo aynu ka filan karnaa madaxweynaha cusub in uu soo celiyo xidhiidhkii siyaasadeed uu ku dhisnaa saddex geysoodka {Dual Truck Policy}, taasoo uu Obama Baabiiyey macneheeduna ahaa in si gaar ah loola maacimilo Somaliland, sidoo kale soomaliya-na ay gaarkeeda ula macaamilaan dowlada Mareykanku.

Sikastaba ahaatee, waxaan odhan karaa siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Somaliland, way ka duwaan doontaa siyaasaddii aadka u liidatey madaxweyne Obama, waxaana suura gal ah in madaxweynaha cusubi uu dano badan ka yeesho Somaliland, taasoo inoo horseedi karta siyaasad wanaagsan iyo xidhiidh diplamaasiyadeed, iyada markasta uu xisbiga Jamhuurigu inoo ka fiican yahay dumuqraadiga.

Waqtigii uu madaxweynaha ahaa Bush, waxaynu ognahay in Somaliland, si wanaagsan ula maamili jirey oo xataa inoo soo diray wefti aad culus oo ay hoggaaminaysey, hoghayihii Wasaarada arrimaha dibeda Mareykanka u qaabilsanayd Afrika.

Gunaanad

Siyaasadda cusub ee madaxweynaha Mareykanku la iman doono, ayaa noqon doonta marka laga eego dhinaca Somaliland, wadamada ku yaalla geeska Afrika, mid ku wajahan waxaa loogu yeedhi la dagaalanka argixisada, taasoo uu madaxweynaha cusubi ku bixiyo maal-gelin badan, Somaliland ay ku heli karto fursad cusub.

Waxaa kale oo iyana muhiim ah qaabka ay Somaliland, xooga u saarto ka faa’iidaysasha siyaasadda iyo is bedelka cusub ee dalka Mareykanka ka dhacay.

W/QCabdilaahi Axmed Caarshe, 

Hargeisa, somaliland