Xulka Qaranka Ghana Oo Iska Xaadiriyay Wareega Sideed Dhamaadka AFCON 2017 Iyo Asamoah Gyan Oo Mali Guuldaro Baday.

0
Sunday January 22, 2017 - 09:30:01 in by Burco Office
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qaranka Ghana Oo Iska Xaadiriyay Wareega Sideed Dhamaadka AFCON 2017 Iyo Asamoah Gyan Oo Mali Guuldaro Baday.

    Xulka qaranka Ghana ayaa noqday xulkii labaad ee u soo baxay wareega sideed dhamaadka tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay 1:0 ku garaaceen dhigooda Mali.Asamoah Gyan ayaa noqday xidiga sameeyay farqiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Ghana ayaa noqday xulkii labaad ee u soo baxay wareega sideed dhamaadka tartanka qaramada Afrika ee ka socda dalka Gabon kadib markii ay 1:0 ku garaaceen dhigooda Mali.Asamoah Gyan ayaa noqday xidiga sameeyay farqiga

 u dhexeeyay Ghana iyo Mali isaga oo dhaliyay goolka Black Stars ka caawiyay in ay Senegal kula biiraan wareega sideed dhamaadka AFCON 2017.

Xulka qaranka Ghana ayaa kulankii furitaanka 1:0 ku soo garaacay Uganda waxaana hadda culaysku saaran yahay xulalka qaramada Masar iyo Uganda oo caawa wada ciyaari doona kulanka wareega labaad ee koobka qaramada Afrika ugu danbeeya. Xulka qaranka ugu guulaha badan Afrika ee Masar ayaa kulankii furitanka barbaro la soo gashay Mali waxayna kulan adag wajihi doonaan Uganda oo mustabqlkeeda koobkan u dagaalamaysa.

Ghana ayaa guushan muhiimka ah ku gaadhay gool uuAsamoah Gyan dhaliyay daqiiqadii 21 aad ee kulankii Mali si uu saddexda dhibcood ugu soo hooyo Black Stars oo ka mid ah xulalka qaramada loo saadaalinayo in ay ku guulaysan karaan koobka qaramada Afrika ee 31 aad.

QAABKA UU YAHAY GROUP D:

Ghana = 6 dhibcood iyo laba kulan

Egypt = 1 Dhibic iyo hal kulan

Uganda = 1 Dhibic iyo hal kulan

Mali = 1 dhibic iyo laba kulan.

Kulanka mar dhaw la ciyaari doono haddii Masar ama Uganda uu midkood badiyo ayay fursad wayn heli doonaan kulamada wareega saddexaad ee ugu danbeeyay kuwaas oo si rasmi ah loogu soo bixi doono wareega sideed dhamaadka. Masar ayaa kulanka ugu danbeeya la ciyaari doonta Ghana oo haddaba soo baxday halka Mali ay la ciyaari doonto Uganda.