Sergio Ramos Oo Markale Noqday Geesiga Real Madrid, Los Blancos Oo Dhibaatadii Iskaga Reebtay Malaga Iyo Ramos Oo Laba Gool Culayska Kaga Qaaday Zidane.

0
Sunday January 22, 2017 - 09:32:24 in by Burco Office
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sergio Ramos Oo Markale Noqday Geesiga Real Madrid, Los Blancos Oo Dhibaatadii Iskaga Reebtay Malaga Iyo Ramos Oo Laba Gool Culayska Kaga Qaaday Zidane.

    Sergio Ramos ayaa markale noqday geesiga Real Mardrid si uu kooxdiisa Los Blancos uga saaro xaaladii xumayd ee ay ku soo jirtay kadib guudlarooynkii Sevilla iyo Celta Vigo ka soo gaadhay, wuxuuna kabtanka Los Blancos kooxdiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sergio Ramos ayaa markale noqday geesiga Real Mardrid si uu kooxdiisa Los Blancos uga saaro xaaladii xumayd ee ay ku soo jirtay kadib guudlarooynkii Sevilla iyo Celta Vigo ka soo gaadhay, wuxuuna kabtanka Los Blancos kooxdiisa

 u qabtay laba shaqo oo ah difaacasho iyo gool dhalin isaga oo noqday xidiga sameeyay farqiga Real Madrid iyo Malaga ee kulankii Santiago Bernabeu.

 

Sergio Ramos ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa Madrid si uu saddexda dhibcood ee Malaga ugu soo hooyo isla markaana ay kaga soo kabsadeen dhibaatadii soo gaadhay kulamadii la soo dhaafay. Inkasta oo ay weerarka Madrid ku fahsilmeen in ay shabaqa soo taabtaan ayuu Ramos noqday xidiga jamaahiirta Bernabeu farxadooda u soo celiyay.

 

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid (4-3-3): Navas; Nacho, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Vazquez, Benzema, Ronaldo.

Kaydka:Casilla, Kovacic, Diaz, Asensio, Morata, Isco, Danilo.

Malaga (4-2-3-1): Kameni; Rosales, Luis, Villanueva, Juankar; Camacho, Recio; Juanpi, Fornals, Castro; Penaranda.

Kaydka: Demichelis, Santos, Boyko, Duda, Keko, Jony, Ontiveros.

Ciyaarta ayayna Real Madrid ku bilaaban dardartii laga filayay iyada oo Malaga kala kulantay iska caabin iyo waliba weeraro ay ku doonaysay in ay dhibaato ugu abuurto Los Blancos. Inkasta oo Real Madrid ay doonaysay in ay xili horeba goolal la timaado ayay Malaga u muuqatay koox dhibaato ku abuuri karta kooxda Zidane.

DAQIIQADII 25 AAD Real Madrid ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uuMarcelo Vieira awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana lagu soo badalayFrancisco Isco iyada oo Nacho uu u wareegay difaaca bidix ee uu inta badna jecel yahay inuu ka ciyaaro.

DAQIIQADII 35 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sidii looga bartay kooxdiisa u dhaliyay gool madax ah kadib markii uu caawin ka helay Toni Kroos, wuxuuna Ramos goolkan dhaliyay xili ay kooxdiisa Los Blancos culays ka dareemaysay kulanka Malaga wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay kaga farxiyay jamaahiirta Santiago Bernabeu. Haddii Ronaldo iyo Benzema ay awoodi waayeen in ay dhaafaan difaaca Malaga, madaxa Ramos ayaa ka dheeraaday cid kasta si uu shabaqa markale u soo taabto.

DAQIIQADII 43 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!Anigaa difaac iyo weerar idiinku filanSergio Ramos!!!, markale kabtanka Los Blancos ayaa difaaca Malaga ku ciqaabay gool la mid ah gookiisii furitaanka isla markaana uu markale Toni Kroos shaqada caawinta yeeshay, wuxuuna Ramos kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho goolka kalsoonida ee ay ciyaarta ku maamuli kartay isaga oo markan ciyaarta u badalay 2:0 ay Los Blancos hogaanka ku dheeraysatay.

Xaqiiqdii wax sahlan ma aha in daqiiqado kooban uu difaac laba gool dhaliyo isla markaana uu kooxdiisa ka caawiyo in ay si buuxda ciyaarta umaasho, wuxuuna Ramos qabtay waxa ay ku fashilmeen weerarka kooxdiisa ee Ronaldo, Benzema iyo Vazguez, waxaana sidoo kale goolashan door wayn ku lahaa Toni Kroos oo koorne iyo kubbad laaga xorta ah Ramos kaga caawiyay in uu goolashan dhaliyo.

DAQIIQADII 45+1 AAD BIRTA GOOLKA! Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay ciyaarta disho kadib markii uu Karim Benzema darbo ku tuuray goolka Malaga isla markaana ay ku sii dhacday xidiga kooxda martida ahayd eeVillanueva basle kubbada ayaa birta goolka ku dhacday taas oo ugu dhawaatay in ay noqoto goolka saddexaad ee Madrid, waxaana lagu kala nastay 2:0 ay Sergio Ramos iyo Madrid hogaanka ku hayeen.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid doonaysya in ay ugu yaraan natiijada ciyaarta ilaashato isla markaana ay goolal kale raadiso waxayna abuurtay fursado badan oo fiican oo ay ciyaarta ku dili kartay balse waxaa dhibaato ku noqay in ay si sahlan ku hesho goolkeeda saddexaad.

DAQIIQADII 63 AAD GOOOOOOOOOOOL! Malaga ayaa soo loonaysay rajadeeda waxayna heshay goolka ay ku soo yaraysay farqiga goolasha Real Madrid iyada oo uu goolkan u saxiixayJuan Acosta kasa oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Real Madrid hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 74 AAD Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay si sahlan ku hesho goolkeeda saddexaad laakiin goolhayaha Malaga eeKameni ayaa awooday in uu kubbada ka soo celiyo xariiqda goolka waxayna ahayd fursad aad halis u ahayd oo uuKameni awooday in uu badbaadiyo.

DAQIIQDII 76 AAD Cristiano Ronaldo oo daawanayay Sergio Ramos oo kulankan laba gool ka dhaliyay ayaa darbo xoogan ku tuuray goolka Malaga laakiin waxa uu arkay darbadiisa oo birta goolka ku dhacday oo iska diiday in ay shabaqa soo salaanto.

Ugu danbayn Real Madrid ayaa awooday in ay natiijada ciyaarta ilaashato isla markaana ay dib ugu soo laabto tubta guusha kadib markii ay laba guuldaro oo xidhiidh ahi ka soo gaadheen kooxa Sevilla iyo Celta Vigo. Sergio Ramos ayaa markale noqday geesiga Zidane iyo jamaahiirta Madrid kala qariyay.