Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Hull City Xili Antonio Conte & Wiilashiisa Oo Ay Sideed Dhibcood Ku Qabteen Hogaanka Premier Leaque-ga.

0
Monday January 23, 2017 - 10:39:45 in by Burco Office
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Hull City Xili Antonio Conte & Wiilashiisa Oo Ay Sideed Dhibcood Ku Qabteen Hogaanka Premier Leaque-ga.

    Chelsea ayaan iska lumin fursadii dahabiga ahayd ee Stamford Bridge u taalay waxayna saddexda dhibcood ka qaateen Hull City si ay sideed dhibcood oo saafi ah hogaanka Premier Leaque-ga ugu qabtaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaan iska lumin fursadii dahabiga ahayd ee Stamford Bridge u taalay waxayna saddexda dhibcood ka qaateen Hull City si ay sideed dhibcood oo saafi ah hogaanka Premier Leaque-ga ugu qabtaan.

Guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Swansea City iyo barbarihii ay Tottenham la gashay Manchester City ayaa Blues ka caawiyay in ay hesho baan wayn oo ay ku neefsan karto. Arsenal oo 47 dhibcood leh ayaa Chelsea ku soo xigta halka kooxda Antonio Conte ay haysato 55 dhibcood oo ay ka soo heshay 22 kulan.

 
 
 
Diego Costa oo goolka furitaanka dhaliyay iyo Gary Cahill oo goolka kalsoonida raacsaday ayaa Chelsea ka caawiyay in ay guul muhiim ah ka gaadhay Hull City oo si wayn ugu dagaalantay in ay ugu yaraan hal dhibic ka hesho kulankii Stamford Bridge.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:Chelsea (3-4-3):Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Kante, Matic, Alonso; Pedro, Costa, Hazard.

Kaydka:Begovic, Ake, Zouma, Chalobah, Fabregas, Willian, Batshuayi.

Hull (3-5-2): Jakupovic; Maguire, Dawson, Davies; Elabdellaoui, Mason, Huddlestone, Clucas, Roberston; Evandro, Hernandez.

Kaydka:Marshall, Meyler, Maloney, Diomande, Niasse, Tymon, Bowen.

Chelsea ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo lahayd hal ujeedo oo kaliya taas oo ahayd in ay sideed dhibcood oo saafi ah ay ku qabto hogaanka Premier Leaque-ga kadib markii ay kooxaha Liverpool Tottenham guulo gaadhi waayeen. Antonio Conte oo dib u helay shaxdiisa ugu ugu jecel yahay ayaa doonayay in ayna kooxdiisu lumin fursada dahabiga ah Stamford Bridge u taalay.

Laakiin Hull City ayaa lahayd ujeedo taas ka duwan waxayna doonaysay in ay natiijo fiican kala laabto Chelsea si ay u sii wado dagaalka ay kaga baxsanayso heerka labaad waxayna soo bandhigtay qaab ciyaareed ay dhibaato ugu abuurtay kooxda martida loo ahaa e Chelsea oo waqti dheer ay gool la’aan ku haysay.

DAQIIQADII 21 AAD Hull City ayay dhibaato dhaawac oo wayni soo gaadhay kadib markii garoonka laga dhex qaaday Ryan Mason kaas oo si xun u dhaawcmay isla markaana ayna u suurtogalin in uu lugihiisa isku taago waxaana algu soo badalay David Meyler.

Chelsea ayaa ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haysay isla markaana lag afilan karayay goolka furitaanka laakiin Hull City ayay noqotay kooxda heshay fursadii ugu horaysay ee ugu halista badnayd kadib markii Maguire uu daqiiqadii 44 aad daro gool loo fishay uu meel 20 yards u jirtay goolka Chelsea ka tuuray laakiin goolhaye Courtios ayaa sameeyay badbaadin fiican si uu kooxdiisa Blues uga badbaadiyo fursad gool lagu dhalin karayay.

DAQIIQADI 45+7 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Diego Da Silva Costa ayaa Antonio Conte iyo jamaahiirta Blues tusay muhiimada uu kooxdooda u leeyahay kadib markii uu u saxiixay goolka ay sida wayn ugu baahnayd Chelsea, waxaana caawinta goolkan sameeyay  Victor Moses kaas oo Costa kubbada ku siiyay meel goolka Hull City wax yar u jirtay waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay waqtigii nasashada Blues hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Hull City doonaysay sidii ay kula iman lahayd goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabto laakiin Chelsea ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay goolka labaad ee kalsoonida ku heli lahayd.

DAQIIQADII 49 AAD QAYLO REKOODHE!. Marcos Alonso ayaa nasiib ku lahaa in aan lagu ciqaabin rekoodhe Chelsea lagu dhigi lahaa kadib markii uu qalad ku galay xdiga kooxda Hull City ee Hernandez balse Alonso ayaa ka badbaaday in qaladkiisu uu Blues ka galaafto hogaanka ay haysya iyada oo garsooruhu aanu waxba tilmaamin.

Chelsea ayaa culays badan ka dareentay in Hull City ay ciyaarta dib ugu soo laabto waxayna Courtios ku qasabtay in uu badbaadin sameeyo taas oo keentay in Antonio Conte uu laba badal oo isku mar ah sameeyo wuxuuna ciyaarta ka saaray Eden Hazard iyo Pedro wuxuuna kaydkga uga yeedhay Cesc Fabregas iyo Willian si ay kooxdiisa u dardar galiyaan.

DAQIIQADII 81 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Gary Cahill ayaa saddexda dhibcood kooxdiisa Blues xaasil uga dhigay kadib markii uu dhaliyay goolka ay dhulka ku dhigeen Hull City oo u dagaalamaysay goolka barbaraha waxaana shaqeeyay badalka uu Conte sameeyay iyada oo Francesc Fàbregas uu gool caawiye ka noqday si Cahill uu u dhaliyo goolka labaad ee Blues waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku dheeraysatay isla markaana ay ku heshay goolka kalsoonida.

Cesc Fabregas ayaa barbareeyay rekoodhkii gool caawinta Premier Leaque-ga ee Wayne Rooney oo 101 gool caawineed sameeyay waxaana hadda Fabregas ka horeeya oo kaliya Ryan Giggs (162) iyo Frank Lampard (102). Waxayna gool caawintani ahayd tii lixaad ee uu Fabregas xili ciyaareedkan ka sameeyay Premier leaque-ga.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Chelsea saddexda dhibcood kaga xuubsatay kooxda martida u ahayd ee Hull City isla markaana ay sideed dhibcood oo saafi ah ay ugu qabtay hogaanka Premier Leaque-ga. Antonio Conte iyo kooxdisa Blues ayaa talaabo wayn sare ugu qaaday hanashada koobka horyaalka Ingiriiska kadib markii ay inta badan kooxaha sare sibxadeen kulamadii 22 aad ee la soo ciyaaray.