Goolasha Sergio Ramos Ayaa Ka Saameyn Badan Kuwa Karim Benzema Iyo Alvaro Morata, Sabab?

0
Monday January 23, 2017 - 12:47:14 in by Burco Office
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolasha Sergio Ramos Ayaa Ka Saameyn Badan Kuwa Karim Benzema Iyo Alvaro Morata, Sabab?

    Hogaamiyaha Real Madrid Sergio Ramos ayaa kooxdiisa 8-dhibcood oo aysan cidi la wadaagi karin farta ka saaray Real Madrid kulamada horyaalka La Liga, waana xiddiga ugu saameynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Real Madrid Sergio Ramos ayaa kooxdiisa 8-dhibcood oo aysan cidi la wadaagi karin farta ka saaray Real Madrid kulamada horyaalka La Liga, waana xiddiga ugu saameynta

badan ee dhibcaha fiican u keenay kooxdiisa inkasto Ronaldo uu 13-gool dhaliyay hadana saameynta ugu badan wuxuu Ramos ku gaaray kaliya lix gool.

Sergio wuxuu geystay saameyn ka badan Karim Benzema iyo Alvaro Morata isagoo daafac dhexe ah, Morata shan gool ayuu dhaliyay balse wuxuu kooxdiisa ugu dhiciyay lix dhibcood, halka Benzema shan gool oo uu dhaliyay uu ku kasbaday kaliya 4-dhibcood, marka laga hadlo natiijooyinka lugtiisa ku yimid oo uu dhaliyay gool muhiim ah

Inkastoo uu gool dhaliyay kulankii ay Real Madrid 5-2 ku dubatay Osasuna hadana looma xisaabin karo inuu soo dhiciyay dhibcahaas, balse wuxuu keenay dhibicdii laga helay Villarreal (1-1), dhibicdii laga helay El Clasico (1-1), guushii Deportivo markaas oo 3-2 ay ku badiyeen Madrid wuxuuna ahaadhaliyaha goolka guusha sidoo kalana wuxuu ahaa dhaliyaha labada gool ee ay kaga badiyeen Malaga taasoo ka dhigan inuu 8-dhibcood isaga keenay iyadoon cidi la wadaagin.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo aya keensaday 9-dhibcood madama uu sadexley ka dhaliyay Alaves kulan 4-1 lagu suldaaray sadexleydii Madrid Derby (0-3) iyo kulankii uu guusha ka keenay Sporting (2-1).