War Bixin Culus:Cheslea Oo Goosatay, Man United Oo Quus Taagan, Niyadjabkii Liverpool Ee Kooxaha Yar Yar Oo Sii Socda, Arsenal Oo Aan Saadaal Lahayn

0
Tuesday January 24, 2017 - 12:50:58 in by Burco Office
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Bixin Culus:Cheslea Oo Goosatay, Man United Oo Quus Taagan, Niyadjabkii Liverpool Ee Kooxaha Yar Yar Oo Sii Socda, Arsenal Oo Aan Saadaal Lahayn

    Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 22 aad ee horyaalka Premier Leaque-ga, iyada oo marka uu horyaalka Inigiriiska ee Premier Leaque-gu heerkan soo gaadho uu kulan kastaaba noqdo sidii kulan filan ah. Todobaad kasta oo la ciyaaro waxaa lagu sii dhawaanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 22 aad ee horyaalka Premier Leaque-ga, iyada oo marka uu horyaalka Inigiriiska ee Premier Leaque-gu heerkan soo gaadho uu kulan kastaaba noqdo sidii kulan filan ah. Todobaad kasta oo la ciyaaro waxaa lagu sii dhawaanayaa dhamaadka xili ciyaareedka 2016/17,

waxaana xiiso wayn sii yeeshay tartanka horyaalka Premier Leaque-ga iyada oo xaalada kooxaha waa wayni noqotay mid isku dhaf ah isla markaana aad u kala fog.


Haddaba iyada oo kulamda soo socda lagu mashquuli doono afar dhamaadka Leaque Cupka iyo wareega afraad ee FA Cupka ayaa dareenka laga soo jeedin doonaa kulamadii xiisaha lahaa ee todobaadkan laga ciyaaray horyaalka Premier leaque-ga. Haddaba ka hor inta aan la gaadhin kulamada 23 aad ee Premier leaque-ga, shabakada Gool24.net ayaa halkan akhristayaasheeda kula wadaagaysa aragtida ama muuqaalka ay bixiyeen kulamadii 22 aad ee horyaalka Premier Leaque-ga iyada oo wali aan ay hadhsan yihiin kulamo badan oo xili ciyaareedka muhiim u noqon karaa.

Aan ku bilawnee, Antonio Conte iyo kooxdiisa Chelsea ayaa todobaadkan ka faa’iidaystay fursad dahabi ahayd oo Stamford Bridge u taalay waxayna si fiican u dhaafeen kooxda Hull City oo isbadal wayn ka muujisay qaab ciyaareedkeeda waxayna guushani Blues ka caawisay in ay hoos u fiiriso kooxaha waa wayn iyada oo waliba dhibco kala duwan sare uga baxday kooxaha ay cabsida ka qabto in ay koobka horyaalka kula dagaalami karaan.

Ilaa hadda ma jirto koox la odhan karo waxay si dhab Chelsea ugula tartamaysaa koobka horyaalka Premier Leaque-ga, marka la eego xaalada kooxaha waa wayn iyo qaab ciyaareedka aan joogtada ahayn ee ay soo muujiyeen, laakiin tani lama micno ah in Chelsea ay kali ku tahay tartanka loogu jiro koobka Premeier leaque-ga. Blues ayaa si dhab ah u cadaysay in ay ku socota dariiqii loogu guulaysan lahaa koobka PL halka kooxaha kale ay muujinayaan qaab ciyaareed aan wali damaanad qaadi karin in ay koobka hanan karaan.

Haddii aan hoos ugu soo degno qormadeena, Chelsea ayaa hogaanka Premier leaque-a ku qabtay 8 dhibcood oo saafi ah, waana dhibco aad muhiim ugu ah in ay haysato ka hor labada kulan ee soo socda oo ay la ciyaari doono Liverpool iyo Arsenal oo ay hore waji gabax ugala soo kulantay xili ciyaareedkan. Laakiin Chelsea ma ahaa Chelsea-dii ay Arsenal qaybtii hore kala dhantaashay, mana aha kooxdii Stamford Bridge ay Liverpool ku soo dubatay, waxaa jira isbadal dhab ah iyo xamaasad ka duwan.

Haddii Chelsea ay kulamada Liverpool iyo Arsenal guuldaro ka dheeraato waxaa hubaal ah in ay talaabo horleh sare ugu qaadi karto hanashada koobka Premier Leaque-ga. Laakiin ilaa hadda saamaynta Antonio Conte iyo waxa uu ka samaynayo Stamford Bridge ayaa cabsi wayn ku ah kooxaha waa wayn.

Haddii aan u soo laabano kooxda kaalinta labaad soo gaashay ee Arsenal iyo aragtida laga qaatay kulankeedii ugu danbeeyay, waxay u muuqataa mid aan wali lahayn saadaal fiican oo ay ku hanan karto koobka Premier leaque-ga. Arsenal ayaa looga bartay qaab ciyaareed isku dhaf ah kaas oo ay muddo 12 xili ciyaareed ah ku soo wayday koobka Premier Leaque-ga, waxayna wali kooxda Arsene Wenger u muuqataa mid aan ka qaan gaadhin dhaqankeedii hore.

Haddii si xaqiiq ah loo hadlo, in Burnley oo Emirates Stadium marti ku ahayd ay Gunners daqiiqadii 97 aad guul ka gaadhay ayaa ah mid aan sawir fiican bixinayn, laakiin haddana waxay heleen saddex dhibcood oo muhiim ah iyaga oo toban ciyaartoy ahaa 25 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay kadib markii uu Xhaka dhaqan xumadiisa sii wata isla markaana uu boos xun dhigay kooxdiisa Gunners.

Arsenal farqi wayn may samayn inkasta oo ay kaalinta afraad ka soo baxday soona gashay kaalinta labaad, waxaana taas oo kuu cadaynaysa in 3 dhibcood ay ka soo qaadeen kaalinta 4 aad isla markaana ay kaalinta 2 aad ku soo gashay taas oo ah in laysku dhegan yahay boosaska kaalinta kowaad ka hooseeya.

Arsenal ayaa kulanka soo socda soo dhawayn doonta Wafrod laakiin kulanka ku sii xiga waxay imtixaan adag ku mari doontaa Stamford Bridge kaas oo ay ku cadayn karto haddii ay qayb ka sii tahay kooxaha rajada fiican ka leh PL. Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinkii kulamadii Arsenal ee labadii bilood ee ugu danbeeyay ayaa kooxda Wenger ka dhigay kuwo aan wali saadaal lahayn.

Kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Tottenham ayaa markale muujisay in ay xalaada ku xumayn karto kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga kadib markii ay ka soo kabsatay laba gool oo ay Manchester City kaga hormartay kulankii Etihad Stadium. Inkasta oo ay Spurs nasiib ku lahayd isla markaana ka badbaaday go’aan ay City ku heli lahayd rekoodhe cadaan ah, haddana tayada kooxdeed ee Tottenham waa mid ugu yaraan ay ku heli karaan booska Champions Leaque-ga loogu soo baxo, taas oo aan ahayn war u fiican kooxaha waa wayn.

Tottenham ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka mid ah kooxaha u tartamaya koobka Premier leaque-ga, waxayna ka qaab ciyaareed fiican tahay kooxaha waa wayn oo dhan marka laga reebo Chelsea. Si aad koobka ugu guulaysan karto waa in qaab ciyaareedkaagu noqdo mid joogto ah, mana ah in aad natiijo isku dhaf ah hadba dhinac u raacdo. Spurs waxaa la saadaalin karaa in ay ugu yaraan boos ka heli karaan afarta sare.

Todobaadkan waxay murugadii Premier Leaque-gu iskugu timid Anfield Road kadib markii si lama filaan ah ay kooxda Swansea City guusheedii abid ugu horaysay ay Liverpool kaga soo gaadhay Anfield. Labada kooxood ee Liveerpool iyo Swansea City ayaa ku kala jiray laba xaaladood oo aad u kala fog, Reds oo koobka u ordaysa iyo Swansea oo heerka labaad ka baxsanaysa, waxaana guulaysatay kooxdii heerka labaad ka ordaysay halka Liverpool ay guuldaradii ugu horaysay 17 kulan kadib ay ku dhadhamisay Anfield.

Wax cusub ma aha in Liverpool ayna wax guuldaro ah xili ciyaareedkan kala kulmin dhamaan lixda kooxood ee horyaalka premier Leaque-ga ugu sareeya isla markaana ay ku hor kuftay, Burrley, Bournemouth iyo Swansea City!, balse waa dhaqan xun oo Reds soo dishooday waqti dheer isla markaana ay ku soo wayday koobab ay ku guulaysan lahayd oo horyaalka Premier leaque-ga ah.

The Swansea players mob the Spanish striker as the Swansea fans celebrate their side's second-half Premier League goal

Haddii uu sii socdo habdhaqanka Reds ee kooxaha yar yari ay dhibaatada ugu abuurayaan, waxaa hubaal ah in ay u dagaalami doonaan kaliya kaalmaha Champions Leaque-ga loogu soo baxo. Ma jirto koox la mid ah Liverpool oo xili ciyaareedkan dhibcaha ugu badan ka heshay kooxaha waa wayn, laakiin xaqiiqda ah in 9 dhibcood ay ku soo waayeen, Burrley, Bournemouth iyo Swansea City ayaa ka saamayn badan 9 dhibcood oo ay ka heleen Chelsea, Arsenal iyo Man City.

The 31-year-old Spain international clenches his fists after stunning the hosts with a second quick-fire goal

Ugu yaraan kooxda wayn guuldarda kaa soo gaadha waa mid loo cudur daari karo, waxayna leedahay tayadii laga filan karayay. Saadaasha Liverpool ayaa markii hore ahayd mid fiican laakiin qaab difaacashadii Anfield ee kulankii Swansea City ayaa bixisay sawir fool xun oo rajada ka dilaysa Klopp iyo wiilashiisa Reds. Liverpool ayaa 10 dhibcood hoos uga dhcday hogaanka Premier Leaque-ga.

WHAT A LOAD OF TOSH! There were shades of John Toshack about Fernando Llorente’s double, with the Spaniard’s second a goal that was straight from the Tosh scrapbook. The giant Welsh striker, a hero of both Liverpool and Swansea, will have loved Llorente's thumping header which put the Swans 2-0 up. Tom Carroll, on his debut, whipped in a cross from the left-hand side and Llorente rose above a trio of Liverpool markers to thump his header past Simon Mignolet. The day had begun with Toshack predicting Swansea would be relegated — he might be thinking again if Paul Clement can keep hold of Llorente.

Haddii aan u soo laabano kooxda kaalinta shanaad iska degtay ee Manchester City, waxay ka mid ahayd bilawgii xili ciyaareedkan kooxaha ugu cad cadaa ee koobka Premier Leaque-ga, laakiin hadda waxay u muuqataa mid u dagaalamaysa kaalmaha Champions Leaque-ga loogu soo baxo. Guardiola ayaa haddaba rajo xun ka muujiyay haddii kooxdiisu ay awoodi karto in ay 12 dhibcood oo ay Chelsea ka hooseeyaan ka soo kabsan karaan, waana arin caqli ahaan la qaadan karo in ay dhibaato wayn tahay.

Pep Guardiola was livid that City were not awarded a penalty for the push on Sterling by Walker, just before the equaliser

Mancheser City ayaa xili ciyaareedkan ku liidata garoonkeeda Etihad Stadium, waxayna kulankii ugu danbeeyay ee Tottenham iska tuurtay hogaanka ay 2:0 ku haysay, waana calaamad si cad u muujinaysa in waqti xaadirkan ay Sky Blues ka baxsan tahay tartanka koobka Premier Leaque-ga, laakiin tani lama micno ah in gabi ahaanba ay ka hadhay loolanka PL.

City had been dominant in the first half and the goal was completely deserved for their improved display

Wax kasta ayaa isbadali kara waana wax looga bartay horyaalka Ingiriiska, laakin muuqaalka iyo sawirka uu bixiyay kulankii Tottenham ayaa ah in City ay tahay koox u ordi doonta kaalmaha Champions leaque-ga loogu soo baxo oo iyada lafteeda uu tartan xoogani ka jiro.

Ugu danbayn Jose Mourinho iyo kooxdiisa Manchester United ayaa ilaa hadda quus ka taagan koobka Premier Leaque-ga waxayna isku arkeen iyaga oo 14 dhibcood sare u fiirinaya kooxdii Mourinho uu xili ciyaareedkii hore musiibada la soo qaatay ee Chelsea. Waa wax cajiib ah in Mourinho uu xili ciyaareedkan hore arkayay kooxdiisii Chelsea oo ku jirtay meel ka hoosaysa 10 ka kaalmood ee ugu sareeya isla markaana uu maanta arkayo iyada oo 14 dhibcood ka saraysa kooxdiisa Manchester United.

Mata deflected Pieters' cross which proved too much for David de Gea (centre) to handle in goal

Inkasta oo ay Manchester United horumar fiican samaysay isla markaana ay aan wax guuldaro ah la soo kulmin 16 kii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan, laakiin babraro badan oo ay soo gashay ayaa niyada ka dilay kooxda Red Devils. Ilaa daqiiqadii 94 aad ayay Manchester United ku qaadatay in ay Stoke City ka tuugto ama ka barido goolka barbaraha waana calaamad si cad u muujinaysa in Mourinho uu ilaa hadda quus ka taagan yahay koobka Premier Leaque-ga balse waxa uu aaminsan yahay in wali ay kooxdiisu dagaalka sii wadi karto.

Stoke players wheel away in celebration after taking an early lead in the Potteries

Haddii xaqiiqda loo laabto lana fiiriyo qaab ciyaareedka Chelsea iyo kooxaha ku soo xiga isla markaana la barbar dhigo Manchester United waxay u muuqataa in Man United ay seegi karto kaalmaha Champions Leaque-ga loogu soo baxo haddii ayna wax ka badalin qaab ciyaareedkeeda. Aragtida gaaban ee xogta ilaa hadda la hayo Man United uma muuqato mid ku guulaysan karta koobka PL sidoo kale waxay culays wayn ka dareemaysaa in Champions Leaque-ga ay u soo bixi karto.

Mkhitaryan tries his luck at goal from inside the Stoke penalty area but shoots off target

MIISKA KALA SARAYNTA PREMIER LEAQUE-GA EE KADIB KULAMADII 22 AAD:

Haddaba akhriste, marka aad qormada maqaalkan ka soo bogatay isla markaana aad fiirso qaab ciyaareedka kooxaha waa wayn ee Premier leaque-ga, kooxda ayaad si xaqiiqo ah u filaysaa in ay koobka ku gulaysan karto? Kooxahee ayaadse filaysaa in ay afarta kaalmood ee sare ku dhamaysan karaan?. Maqaalkan la share garee asxaabtaada kale.