Boqortooyada Kuwayd Oo Xukun Daldalaad Ah Ku Fulisay Sideed Qof.

0
Thursday January 26, 2017 - 12:26:27 in by Burco Office
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqortooyada Kuwayd Oo Xukun Daldalaad Ah Ku Fulisay Sideed Qof.

    Boqortooyada Kuwayd, ayaa daldashay todobo maxbuus, waana markii u horaysay ee ay dawladdu dil fuliso tan iyo 2013kii,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada Kuwayd, ayaa daldashay todobo maxbuus, waana markii u horaysay ee ay dawladdu dil fuliso tan iyo 2013kii,

dadkaasna waxaa ka mid ahaa qof qoyska boqortooyada ka mid ah.


Waxaa lagu daldalay xabsiga dhexe sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee Kuna.

Qofka qoyska boqortooyada ka tirsan ayaa lagu sheegay Faysal Cabdallah Al Jaber Al Sabax, waxaana lagu helay in uu dil gaystay hub sharci darro ahna haysatay.

Dadka kale ee la dilay waxay u kala dhasheen Itoobiya, Masar, Filibiin iyo Bangaladhesh

Waxaa loo dilay dambiyo kala duwan oo ay gaysteen waxaana ka mid ah dil, isku day dil, afduubasho iyo kusfsi

Faysal oo qoyska boqortooyada ka mid ah ayaa lagu helay dambi ah in uu dilay qof kale oo qoyska boqortooyada ka tirsan sanadkii 2010kii.

Tifaftiraha Bariga Dhexe ee BBC Sebastian Usher, wuxuu sheegayaa in ay naadir tahay balse aysan ahayn arrin cusub in dalalka Khaliijku ay xiraan amaba daldalaan qaar ka mid ah boqortooyada.

Wuxuu intaas ku daray in taasi ay caddayn u tahay in qofina uusan sharciga ka saraynin.

Xubnaha boqortooyada ee horay loo daldalay waxaa ka mid ahaa Nusra al-Enezi, oo reer Kuwayd oo lagu helay dambi ah in ay dab qabadsiisay teendho lagu dhigayay arooska ninkeeda oo xaas labaad guursanayay.

Waxaana halkaas ku dhintay 50 ruux.

Dadka kale la daldalay wakhtigan waxaa ka mid ahaa labo ruux oo shaqaale guri ahaa oo ku kala dhashay Itoobiya iyo Filibiin kuwaas oo lagu helay in ay dileen xubno ka tirsan qoysaskii ay u shaqaynayeen.