Dhallinyarada Bariga Magaalada Hargeysa Oo Sheegay In Ay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xukuumada KULMIYE Iyo Nuxurka Qoraalkooda

0
Friday January 27, 2017 - 14:56:19 in by Hargeysa Office
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyarada Bariga Magaalada Hargeysa Oo Sheegay In Ay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xukuumada KULMIYE Iyo Nuxurka Qoraalkooda

    Aqoonyahan dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Hassan Yousuf mohamed ayaa sheegey in ay dhalinyarada bariga Hargeysa degta ay kala noqdeen xukuumadda uu hogaamiyo Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),kaddib markii ay ka waayeen xuquuqdii ay xaqa u lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Hassan Yousuf mohamed ayaa sheegey in ay dhalinyarada bariga Hargeysa degta ay kala noqdeen xukuumadda uu hogaamiyo Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),kaddib markii ay ka waayeen xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen ee ay ku lahaayeen xukuumadda Somaliland.



Hadalka aqoonyahanka ayaa u dhignaa sida tan:

Waxa aan halkan maanta ka caddeynayaa aniga oo ku hadlaya afkayga iyo ka dhalinyarada beesha bariga Hargeysa in aanu kala noqonay xukuumada kalsoonidii aanu u haynay kaddib markii aanu ka weynay xuquuqdii aanu xaqa ugu lahayn kuwaasi oo kala ah :

1:Xilalkii aanu gobolka ku lahayn:

Xukuumadani waxa ay naga qaaday dhamaan xilalkii aanu ku lahayn gobolka oo ay ku wareejisay reera kale oo ay codkaga doonayso,waa ayaan darro markii xukuumadii weyday waxqabad kale oo ay shacabka ku soo jiidato in ay tidhaa xilalbaan codku keenayaa.

 

Shaqaalaha dawlada:

Haddaanu nahay dhalinyarada degta bariga magaalada Hargeysa waxaanu halkan ku caddeynaynaa in aanan ku lahayn saamigayagii shaqaale ee aanu xaqa ulahay in aanu ku yeelano xarumaha dawlada , sida wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa bannaan (Agencies).

Adeegyada bulshada ( social servises):

Sidoo kale wax adeegyo dawladeed ah oo laga helo bariga Hargeysa ma jirto,dhammaan adeegyada aas aasiga ah sida; biyaha , laydhka , caafimaadka, iyo waxbarashadu oo ah kuwa uu xaq u leeyahay qofkasta oo muwaadin ah oo laga qaado cashuurta dawladda.





Hassan yousuf mohamed

Email: xareedyusuf@gmail.com