Hordhac: Chelsea v Brentford – Antonio Conte Oo Weli Ceyrsanaya Rajadiisa Inuu Labo Koob Geeyo Stamford Bridge Xilli Ciyaareedkan.

0
Saturday January 28, 2017 - 09:57:07 in by Burco Office
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea v Brentford – Antonio Conte Oo Weli Ceyrsanaya Rajadiisa Inuu Labo Koob Geeyo Stamford Bridge Xilli Ciyaareedkan.

    Kulanka: Chelsea v Brentford Wareega Afaraad Ee FA Cup Garoonka: Stamford Bridge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Chelsea v Brentford Wareega Afaraad Ee FA Cup Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika

Baadigoobka Antonio Conte ee koobkiisii ugu horeysay ee England ayaa weli socda iyadoo Chelsea ay kulan London derby ay ku martigelineyso kooxda Brentford wareega afaraad ee FA Cup.

Chelsea ayaa sideed dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka Premier League, waxaana Conte uu isha ku hayaa inuu sii wado rajada ah inuu labo koob keeno Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

 

Kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Blues ayaa kalsooni ku qabta inay guul ka gaari karto kooxda heerka labaad ee Brentford laakiin tababaraha kooxda Shinida Dean Smith ayaa u tafaxeydanaya inuu celiyo kooxda Galbeedka London ka dhisan si la mid ah sidii ay sameysay Bradford xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.