Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Qofka -

0
Sunday January 29, 2017 - 12:30:46 in by Burco Office
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lugaha Oo La Isa Saaro Marka La Fadhiyaa Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Qofka -

    Dad badan oo weliba sida tirkoobyadu muujinayaan dumar u badan ayaa markaa ay fadhiistaan luga is saarta. Iyaga oo u arka in ay tahay hab quruxsan aadna u soo jiidanaysa indhaha. Qaabfadhigan quruxda laga raadiyo ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo weliba sida tirkoobyadu muujinayaan dumar u badan ayaa markaa ay fadhiistaan luga is saarta. Iyaga oo u arka in ay tahay hab quruxsan aadna u soo jiidanaysa indhaha. Qaabfadhigan quruxda laga raadiyo ayaa

ay khubarada caafimaadku sheegayaan in uu khatar ku yahay caafimaadka qofka.

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee la sheegay in laga qaadi karo fadhiga cagaha la is dul saaro:

– Xididka:Waxa uu dhaawaca neerfaha dhabarka illaa suulka lugta xidhiidhsan ee keena waxa aynu u naqaanno xididka, dadka qaabkan u fadhiista, gaar ahaan dumarkana waxaa lagu arkaa in uu xidid qabto.

– Dhiigga oo kaca:Qaab-fadhiga labada lugood oo is weydaarsan la is-dul-dhigaa waxa ay kor u qaaddaa cadaadiska wareegga dhiigga ee jidhka oo dhan, waxa aana dhacda in qofka oo xitaa aan dhiigkar lahayn, haddana lagu arko in uu dhiiggiisu kor u kacay.

Baadhiataanni caafimaad oo arrintan lagu hubiyey ayaa muujiyeyin fadhigan sababo in dhiiggu si xawli ah u wareego, xawaare iyo xaddi ka badan inta dabiiciga ahna ku gaadho wadnaha.

– Isu dheellitiranaanta miska oo lunta:Qaab-fadhiisiga cago is-dul-saarku waxa uu lumiyaa isu-dheelli-tirnaanta miskaha, haddii qofku muddo caadaystana waxa uu aakhrika dareemaa in labadiisa lugood kala dheeraadeen, oo socodkiisu aanu isu miisaannayn. Sababtuna waa fadhigan oo la badsado ayaa keenta in muruqa cagta hoose oo urura iyo cagta sare oo muruqeedu weynaado, aakhirkanawaxa ay keenaysaa in ay dhaawacmaan, neerfayaashu, isu dheelli tirnaantuna ka lunto miskaha, waxa kale oo qofka lagu arki karaa qoorta oo xanuunta.

– Halbawlayaasha dhiigga oo ballaadhan:Qofka oo muddo caadaysta qaab-fadhiga ah in lugaha mid ta kale la dul saaro waxa keentaa khatarta ah in ay ballaadhaan halbawlayaasha dhiigga ee lugta oo ah xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Varicose Vein’ in kasta oo ay xaaladdani aalaaba ku timaaddo hidde, haddana waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in lugta oo lugta la dul saaraa ay cadaadis kukeento halbawlayaasha, taasina ku keento bukaan, sababaya in wareeggii dhiigga ee lugta soo gaadhayey oo aad u yaraada, waxa aana xigaya in ay daciifaan halbawlayaasha. Dadka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagu cagta oo ay xididdada dhiiggu si aan caadi ahayn meelo kala duwan ka soo kuusmo, iyo gashiimo dhiig ah oo yaryar oo lagu arko labada lugood.

Dhabarka oo soo xoodma: Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in haddii qofku muddo 3 saac iyo ka badan u fadhiyo qaab-fadhiga sawirka ka muuqda ee ah in labada lugood la is dul saaro, waxaa dhacda in dhabarku uu soo xoodmo, iyo in dhabarka intiisa hoose xanuun bada yeelato, sidoo kale waxa uu qofku isku arkaa raqabad xanuun.

Khubaradu waxa ay sheegeen in lugaha oo la is-dul-saaraa aanay u fiicnayn si guudba caafimaadka qofka si gaar ahna dumarka.