Chelsea Oo Sababi Karta In Liverpool Ay Sameyso Rikoor Aan Loo Baahneyn Oo Qarni ka Hor Laga Diiwaan Galiyay Anfield Road

0
Monday January 30, 2017 - 12:55:02 in by Burco Office
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Sababi Karta In Liverpool Ay Sameyso Rikoor Aan Loo Baahneyn Oo Qarni ka Hor Laga Diiwaan Galiyay Anfield Road

    Liverpool ayaa qarka u saaran iney barbareyso rikoor xun oo laga diiwaan galiyay garoonka Anfield Road in ku dhaw hal qarni ka hor, waxaase ku caawin kara Chelsea kulanka habeen dambe ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa qarka u saaran iney barbareyso rikoor xun oo laga diiwaan galiyay garoonka Anfield Road in ku dhaw hal qarni ka hor, waxaase ku caawin kara Chelsea kulanka habeen dambe ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska.


Jurgen Klopp kooxdiisa waxey guuldaro la kulantay sadex kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaareysay garoonka Anfield Road, waxey ku seegtay tartamada FA Cup iyo Caring Cup, sidoo kalana kulan ka tirsan horyaalka ayey guuldaro kala kulantay Swansea City inkastoo labada tartan ay ku weysay madaxa Wolverhampton Wonders iyoSouthampton.

Guuldaro kasoo gaartay Chelsea kulanka habeen dambe waxey ka dhigan tahay iney u noqoto middii afaraad oo xiriir ah oo ay Anfield ku qaataan waxaana ay aheyd markii ugu dambeysay oo ay sidaas ku dhacdo 1923.

Liverpool waxey guuldaro 2-3 ah kala kulantay Swansea City todobaadkii h--e, sidoo kalana waxey 1-0 kala kulantay guuldaro ah Southampton lugtii labaad Semi Finalka EFL Cup, halka sabtidii ay qasaaro 2-1 ah kala kulantay Wolverhampton Wonders kulan ka tirsan wareega afaraad ee FA Cup.

Si kastaba Jurgen Klopp wuxuu soo dhaweyn doonaa Antonio Conte iyadoo la xasuusto wixii macalinka reer talyaani lagu soo gaarsiiyay Stamford Bridge bilowgii xagaagan markaas oo 1-2 lagu suldaaray.