Amarkii Xukuumadda Ee Sarrifka Lacagaha Oo Dhibaato Soo Kordhiyey, Suuqyadii Hargeysa Oo Dollar Laga Waayay Iyo Qiimaha Maceeshadda Oo Kor U Kacay

0
Tuesday January 31, 2017 - 11:50:57 in by Burco Office
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amarkii Xukuumadda Ee Sarrifka Lacagaha Oo Dhibaato Soo Kordhiyey, Suuqyadii Hargeysa Oo Dollar Laga Waayay Iyo Qiimaha Maceeshadda Oo Kor U Kacay

    Kadib markii ay xukuumadda Somaliland 24-kii bishan soo saartay go'aamo ay sheegtay inay wax kaga qabanayso sicir bararka dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii ay xukuumadda Somaliland 24-kii bishan soo saartay go'aamo ay sheegtay inay wax kaga qabanayso sicir bararka dalka

 ka jira, kana hor tagayso qiima dhaca shilinka Somaliland, ayaa waxaa isbedel xoog leh laga dareemay suuqyada sarrifka lacagaha iyo suuqyada lagu iibiyo badeecadaha qaarkood.

Warka-1-aaad-1

Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixisay in halka dollar lagu sarrifo 7000 oo shilinka Somaliland, waxaana ay sidoo kale go’aamo ka soo saartay adeegyada Zaad iyo E-dahab ee lacaga la isugu diro talefoonada gacanta.

Hase yeeshee jaangoynta ay xukuumaddu jaangosay sarrifka dollarka ayaa saamayn xun ku yeeshay suuqa sarrifka, iyadoo gabi ahaanba ay sarrifalaayashu joojiyeen bixinta dollar-ka, taasoo sababtay in qofka sita lacagta Somaliland ee dollar u baahani aanu heli karin.

Ganacsatada sarrifka ayaa xareeyey dollarkii marka horeba yaraa ee suuqa dhex yaalay, waxaanay taas bedelkeeda ku iibiyaan suuqyo madaw oo dhowaan samaysmay, lagana helayo macaash ka badan sicirkan ay dawladdu jaangoysay, maadaama 1 dollar lagu sarrifayo 85000 marka la joogo suuqyada madaw.

Sidoo kale waxa uu isbedel ku yimi qiimaha ascaarta qaarkood, gaar ahaan cuntooyinka la quuto ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey qiimahooda isbedel wayni ku yimi, iyadoo ganacsatadu ay arrintaas u sibir saarayaan in suuqii dollarku meesha ka baxay.

Ma jirto wax tallaabo ah oo ay xukuumaddu ka qaaday arrimahaas, sidoo kale guddiga la dagaalanka sicir bararka iyo ka hortagga qiima dhaca shilinka Somaliland ayaan arrinkaasi ka hadal, waxaana la filan karaa in xaaladdu sidan ka sii darto maalmaha soo socda haddii aan xal loo helin.

Dadka falanqeeya dhaqaalaha ayaa xukuumadda ku dhaliilay faro-galinta xoogga ku dhisan ee ay suuqa sarrifka ku samaysay, iyagoo dhamaantood ku taliyey in hab aqoonaysan arrinkan looga jawaabo.