Eng Maxamed Xaashi Oo is Barbar Dhigay Miisaaniyada Wasaaradaha Muhiimka Iyo Wasaarada Madaxtooyada

0
Wednesday February 01, 2017 - 15:04:56 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng Maxamed Xaashi Oo is Barbar Dhigay Miisaaniyada Wasaaradaha Muhiimka Iyo Wasaarada Madaxtooyada

    Wasiirkii ee maaliyadda Somaliland Md.Maxamed Xaashi, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu eedo u jeediyey hannaanka xukuumadda talada haysaa dalka u maamusho, isaga oo cambaarayntiisa si gaar ah diiradda ugu saaray madaxtooyada dalka loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii ee maaliyadda Somaliland Md.Maxamed Xaashi, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxana uu eedo u jeediyey hannaanka xukuumadda talada haysaa dalka u maamusho, isaga oo cambaarayntiisa si gaar ah diiradda ugu saaray madaxtooyada dalka looga arrimiyo.

Isaga oo eedo u jeedinaya wasaaradda madaxtooyada Somaliland, waxa uu sheegay inay la wareegtayMaxamed Xaaji Cilmi oo u warramay Telefishanka Hctv, ayaa waxa uu sheegay in hannaanka ay xukuumaddu wax u waddaa ka duwan yahay midkii saxda ahaa, waxana uu carrabka ku ballaadhiyey tirada golaha wasiirrada oo uu sheegay inaanay qaranka wax faa’iido ah u lahayn, balse ay kharash iyo culays badan ku hayaan.

lacago tiro badan oo aan loo baahnayn inay iyadu maamusho, waxana uu taxay tiro wasaaraddo qaranka muhiim u ah oo ay wasaaraddaasi kaligeed ka miisaaniyad badan tahay"wasaaradda madaxtooyadu lacago badan bay la wareegtay markii aan anigu wasiirka ahaa oo niman yar yar oo iyagu kharashka doonaya ayaa meesha ka shaqaynayey, wasaaradaha Beeraha, Kalluumaysiga, Deegaanka, xannaanada xoolaha iyo Biyaha oo wasaaradihii wax soo saarka ahi waxa ay la miisaaniyad yihiin wasaaradda madaxtooyada, taasina waa caqli-xumo” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

 

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan amarro lacago lagu dalbanayo oo wasaaradda maaliyadda soo gaadha, kuwaas oo madaxtooyada ka yimaada, isla-markaana aanay cid diidi kartaaba jirin, waxana uu yidhi,"madaxtooyadu warqad uun bay soo qoraysaa ay ku qoran tahay madaxweynuhu waxa uu ku farayaa inaad lacagtaas soo bixiso, madaxtooyaduna inay lacag maamusho ma aha, laakiin niman yar yar oo meesha ku xeersan ayaa waxan iska watay, wixii aan sharci ahayna waad kala hadli kartaa, laakiin cid is dhegaysanaysaana ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu fasahaad iyo maal-daadin ku tilmaamay tirada golaha wasiirada ee badatay, waxana uu xusay inaan caalamku sidaas oo kale u dhaqmin"caqli ma aha inay 70-wasiir yeelato dawladeedanan yari oo dadkeedu Saddex Milyan ka badnayn, Maraykan intaas ma gaadho, Ingiriisna ma gaadho, waana fasahaad uun”ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Mar uu ka hadlayey Maxamed Xaashi waxyaabaha keenay sicir-bararka iyo baahida joogtada ah ee Dollarka loo qabo, ayuu xusay inay qaadka iyo fadhiidnimada shaqaalaha dawladdu kow ka yihiin, waxana uu yidhi,"haddii xafiisyada dawladdu labada gelinba shaqaynayso fadhigan qaadka loo fadhiisanayaa wuu yaraan lahaa, sicir-bararkana qaadka ayaa kow ka ah, waxana ku xiga shaqaalaha dawaladda oo iyagu mushaharkii marka ay qaataan sarrifanaya oo dollar suuqa u gelaya oo kicinaya Dollar-kii, marka safar xukuumaddu u baxaysana tiro badan bay isku raacayaan, intaasina wada kharash bay u baahan tahay oo dollar baa la sarrifayaa oo dibadda u baxaya.”

Waxa uu sheegay inuu hore usoo jeediyey in marka la gaadho bisha March tirada xukuumadda hoos loo dhigo, isla-markaana kharashaadka halkaas kasoo baxa wax lagaga qabto abaaraha waddanka ka jira"Anigu waxan soo jeediyey in March la dhiso dawlad kooban oo kharashka badan ee intaas oo wasiir iyo intaas oo la-taliye oo qaarkood aanay madaxweynaha arag ku baxa halla yareeyo oo wixii aynaan u baahnayn aynu gelino waxa aynu u baahanahay ku beddelno weeye, laakiin inaga oo sidaas uun u fadhina haddii ay Saleebaan iyo Cabdi-waraabe yidhaahdaan intaasaanu ku darnay wax caqliga gala ma aha” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in marka laga tago marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, aanu jirin madaxweyne kale oo dalka soo maray oo taariikh la xusi karo waddanka kaga tegay, waxana uu yidhi, "Afartii madaxweyne ee ina soo martay wax raad ka tegay Cigaal baa jirey oo xasiisyada dhisay oo ciidamada qalabeeyey, mid wax sheeganaya oo kalena ma jiro.”