Dawlada Somaliland Jawaab Ka Bixisey Qoraalkii Beesha Caalamku Kaga Soo Horjeedeen Dib U Dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Dawl

0
Wednesday February 01, 2017 - 15:55:50 in by Burco Office
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliland Jawaab Ka Bixisey Qoraalkii Beesha Caalamku Kaga Soo Horjeedeen Dib U Dhaca Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Dawl

    Dawlada Somaliland ayaa jawaab ka bixisey warqad 26-kii Jeeniwari daneeyayaasha doorashooyinku Somaliland usoo direen,taas oo ay kaga soo horjeedaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Somaliland ayaa jawaab ka bixisey warqad 26-kii Jeeniwari daneeyayaasha doorashooyinku Somaliland usoo direen,taas oo ay kaga soo horjeedaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.


Warqad Somaliland u dirtay beesha caalamka ayey ugu sharaxday sababta keentay in muddo kordhin la sameeyo,isla markaana hoosta kaga xariiqday in dimuqraadiyaddu tahay nidaam bulshada Somaliland dooratay laakiin aanay cidna u doorin.

 

Wasiirka arrimaha dibada somaliland Dr Sacad Cali Shire yaa warqad u direy beesha caalamka isla markaana u sheegay inaanay muddo kordhintu la xidhiidhin kursi jaclaysi laakiin ay ku timid aafo dabiici ah oo ah abaarta barakicisay bulshada Somaliland ee doorashada ka qayb gali lahayd. Waxa uu wasiirku sheegay in goboladda bari ilaa 200,000 (Laba boqol oo kun) oo qoys ay abaartu ku saamaysay isla markaana loo baahan yahay 30 ilaa 40 Milyan oo Dollar oo deg deg ah si dadka wax loogu qabto.

Waxaana qoraalka ay Somaliland u dirtay beesha caalamka ay u dhignayd sida tan

"Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ma doonayaan muddo kordhin,waxaanay ku qarash gareeyeen lacag dhan 9 Milyan oo Dollar iyo 4 Milyan oo hadda miisaaniyadda ugu jirta si doorashadu wakhtigeedii ugu dhacdo”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire,waxaana uu intaas raaciyey in madaxda xisbiyada,guddiga doorashada iyo madaxwaynuhu isla garteen in aanay duruufaha abaarta darteed ku dhici Karin doorashadu wakhtigeedii,isla markaana gobolada bariga laga barakacay,waxa uu sheegay in la wada doonayo in doorashada bulshadu ka wada qayb qaadato si looga fogaado rabshado amni darro iyo dawlada doorashada ka dhalata oo noqota mid sharcinimadeeda su’aali ka timaado,maadama aaanay dad badan oo gobolada bari ahi aanay codayn Karin.

Wasiirku sidoo kale waxa uu sheegay in hanaanka dimuqraadiyaddu yahay mid bulshada somaliland leedahay isla markaana si nabad ah ay hogaankooda ku doortaan,waxa uu saaxibadda caalamka uga mahadceliyey dadaalka deeqsinimada ah ee ay la barbar taagan yihiin, iyo sida damqashada leh ee ay uga hadleen abaaraha Somaliland ku baahsan xilligan

"Doorashadii ku beegnayd March,28,2017-ka waxa di loogu riixey bisha Oktoober iyada oo la tixgalinayo in wakhti jilaal ahi u dhaxeeyo bisha Jeeniwari iyo Abril,dadkuna ay goobahoodii ka maqnaayeen,in xilli roobaadka u dhaxeeya Abril iyo May ay dadku goobahoodii kusoo noqonayaan bisha Ramadaan ee June iyo Ogos waxa kulayl ah xeebaha oo aanay doorashadu ka dhici Karin ilaa bisha October ayaa ah xilliga ay guddiga doorashadu diyaar garoobayso ee ay ku qaybin karto kaadhadhka codbixiyayaasha "ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire .

Geesta kale waxa uu wasiir Sacad sheegay in doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka loo qorsheeyey bisha Oktober 2018-ka,waxaana dib loogu riixey sababo ah in aan loo qorshayn wax dhaqaale gudeed ah iyo mid dibadeedba,hoos u dhaqa dhaqaalaha ee ay abaartu sababayso,xayiraada xoolaha la saaray iyo in aan farsamo ahaan la wada qaban Karin saddexda doorasho.

Ugu dambayn wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in madaxda saddexda xisbi qaran,guddiga doorashooyinka iyo madaxwayne Siilaanyo ay isku raacsan yihiin in doorashada la qabto bisha Oktoober .