Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea v Arsenal – Pedro Iyo Theo Walcott Oo Lagu Soo Bilaabay Shaxda Labada Kooxood.

0
Saturday February 04, 2017 - 16:05:40 in by Burco Office
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea v Arsenal – Pedro Iyo Theo Walcott Oo Lagu Soo Bilaabay Shaxda Labada Kooxood.

    Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa hal bedel ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa hal bedel ku

sameeyay shaxdiisa iyadoo Pedro uu ku soo bilowday kulanka maanta ka dib markii bedel lagu soo geliyay kulankii ay barbaraha la galeen Liverpool habeenkii Talaadada, waxaana kursiga keydka u dhacay Willian.

Cesc Fabregas ayaa isna kursiga keydka fadhiya kulanka ay la ciyaarayaan kooxdiisii h--e ee uu kabtanka ahaa, waxaa sidoo kale kursiga keydka Blues ka muuqda John Terry, Zouma iyo Batshauyi.

Dhanka kooxda Arsenal waxaa lagu soo bilaabay Theo Walcott iyadoo Alexis Sanchez uu ka ciyaarayo booska weerarka dhexe xilli Olivier Giroud kursiga keydka loo dhaadhiciyay.

Oxlade-Chamberlain ayaa isna shaxda ka bedelay Ramsey waxaana uu ka garab ciyaarayaa Coquelin, halka Iwobi iyo Ozil ay ka mid yihiin seddexda xiddig ee weerarka ku caawineysa Sanchez.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal:Cech, Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal, Coquelin, Oxlade-Chamberlain, Iwobi, Walcott, Ozil, Alexis.

Keyd:Ospina, Gibbs, Gabriel, Maitland-Niles, Reine-Adelaide, Welbeck, Giroud.

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Kante, Matic, Alonso; Pedro, Diego Costa, Hazard

Keyd:Begovic, Terry, Zouma, Chalobah, Fabregas, Willian, Batshuayi