War Deg Deg Ah:Chelsea Oo Goolkii Kowaada Hoogaan Ciyaarta La Wareegtay +Hector Bellerini Oo Laga Saaray Kulanka

0
Saturday February 04, 2017 - 16:10:10 in by Burco Office
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Chelsea Oo Goolkii Kowaada Hoogaan Ciyaarta La Wareegtay +Hector Bellerini Oo Laga Saaray Kulanka

    Arsenal ayaa waxaa soo wajahay dhabarjab xoogan maanta ka dib markii Hector Bellerin lagu qasbay inuu xilli horre isaga baxo ciyaartii Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa waxaa soo wajahay dhabarjab xoogan maanta ka dib markii Hector Bellerin lagu qasbay inuu xilli horre isaga baxo ciyaartii Chelsea.


Marcos Alonso ayaa kubad madax aheyd hogaanka ugu dhiibay Blues daqiiqadii 13aad laakiin Bellerin ayaa intii uu difaacanayay kubada waxa uu ku dhacay xusulka Alonso.

Daafaca midig ee Arsenal ayaana markaas si xun dhulka ugu dhacay isagoo u muuqday mid ay jihada ka luntay markii la soo kiciyay.

Ka dib wadahadal uu la galay dhakhtarka Arsenal Colin Lewin, Bellerin ayaa isaga baxay garoonka isagoo u dhaqaaqay dhanka qolka labiska waxaana bedelay Gabriel.

Daafaca reer Brazil ayaa ku soo bilowday kulankii bartamaha isbuuca ay guuldarada ka soo gaartay Watford laakiin waxa uu u muuqday mid qalqal badan.

Bellerin ayaa liiska dhaawacyada waxa uu kula biirayaa Aaron Ramsey iyo Santi Cazorla halka Granit Xhaka uu isna ganaax ku maqan yahay.