Madaxweyne Siilaanyo: Magacaabista Guddiyadu Ma Xal baa Mise Waa Xeelad? W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Sunday February 05, 2017 - 08:36:38 in by salman abdi
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo: Magacaabista Guddiyadu Ma Xal baa Mise Waa Xeelad? W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa uu digreeto ku magacaabay Guddiyo farsamo oo ay kow ka ahayd tii uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa uu digreeto ku magacaabay Guddiyo farsamo oo ay kow ka ahayd tii uu

Winston Churchill oo ahaa Raysalwasaarihii Ingiriiska ee xilligii dagaalkii labaad ee adduunka ayaa laga hayey xigmadan” Siyaasigu waa ka awood u leh in uu saadaaliyo waxa dhacaya berri, toddobaadka dambe, bisha dambe iyo sannadka dambe, isla markaana awood u leh hadhowna in uu sharraxo sababta ay u dhici waayeen wixii uu saadaaliyey.

Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, waxa uu digreeto ku magacaabay Guddiyo farsamo oo ay kow ka ahayd tii uu u saaray kasoo talo bixinta qaabdhismeedka nooca ay noqonayso xukuumadiisu oo ku taariikhsanayd 10/July/ 2010-kii, ilaa laga soo gaadho Guddigii u dambeeyey ee ka hortagida sicir-bararka iyo maceeshada ee sannadkan 2017.

Waxa qasriga madaxtooyada si is-dabajoog ah uga

soo baxayey wareegtooyin uu soo saaray madaxweyne Siilaanyo oo lagu unkayey guddiyo loo xilsaaray hawlo qaranku u baahan yahay in loo qabto, wareegtooyinkan ayaa marba marka ka sii dambaysa noqday tusbax go’ay, oo sii kordhaaya, balse waxa laga dayrinayaa kartida wax-qabad ee guddiyadaasi. Haddii ay guddiyadaasi hawlaha loo diray ka soo dhalaali waayeen, ma waxa ay doorteen inay inna jahawareeriyaan.Harry S. Truman oo Madaxweyne ka soo noqday dalka Maraykanka ayaayidhi” Haddii aad qancin kari weydo Dadka jahawareeri.”

Dabcan madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu iska kala fududeeyo hawlaha culus ee maamulka qaranku leeyahay, laakiin waxa boog noqotay wax-qabad la’aanta guddiyada tirada badan iyo in aan si adag loola xisaabtamin. Waxa aan la dafiri Karin in uu Madaxweyne Siilaanyo wax badan qabtay, oo ay dawladihii hore ku diiran waayeen, tusaale ahaa Derejadii ciidamada Soomaalilaan loo qaybiyey.Margaret Thatcher oo Raysal-wasaare ka soo noqotay Ingiriiska ayaa tidhi” Haddii aad doonayso, Maxaa la yidhi, Ragga warayso, haddiise aad doonayso, Maxaa la qabtay, dumarka weydii.

Ma jiro tirakoob rasmi ah oo daaha ka rogaya tirada guddi ee uu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu xilka hayey. Balse waxa aynu soo qaadan doonaa qaar ka tirsan kuwii uu qallinku soo qabtay, kuwaasi oo kala ah sidan:

· Guddigii kasoo talo bixinta qaabdhismeedka xukuumadda 10-kii July 12, 2010-kii.

· Guddigii ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalkooda

· Guddigii qabanqaabada xaflada xilwareejinta 12July 12, 2010kii

· Guddigii kasoo talo bixinta tabashooyinka gobollada bari 15kii Augost 2010-kii

· Guddigii xaqiiqo raadinta maleeshiyadii ONLF ee kasoo dagtay xeebaha galbeed ee Somaliland 12 September 2010-kii

· Guddigii qiimaynta maxjarada Caafimaadka xoolaha ee Berbera loo saaray horaantii January 2011-ka

· Guddigii qiimaynta heshiisyadii warshada Sibidhka Berbera November 2010-kii

· Guddigii shaqaadadii Kalshaale daminteeda loo magacaabay February 2011-ka

Guddigii xalinta khilaafkii deegaanka Ceelbardaale ee gobolka Gabiley March 2011-ka
Guddigii baadhista ee loo xilsaaray Diyaaradii hubka u siday Puntland ee Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa March 2011-ka
Guddigii loo xilsaaray khilaafkii wasaaradaha maaliyada iyo kaluumaysiga ee la xidhiidhay maamulka dakhliga dekada Berbera
Guddigii xalinta khilaafkii Jaamacada Hargeysa ka aloosmay.
Guddigii baadhista guryihii xaafada New Hargeysa lagu gubay March 2011-ka
Guddigii gogosha madaxweynuhu u fidiyay shirkii nabadeed ee deegaanka Widh-widh ee Sool lagu qabtay June 2011-ka
Guddigii tiro koobka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.
Guddigii loo saaray qiimaynta iyo taakulaynta abaarihii dalka ku habsaday horaantii 2011-ka.
Guddigii kasoo talo bixinta furista ururada siyaasada 12 April 2011-ka
Guddigii loo saaray dhamaystirka biriishaka labaad ee Caasimada January 2011-ka
Guddigii nabadeynta gobollada Bari iyo hirgelinta Gogosha nabad ee isla 2011kii uu saaray.
Guddigii bedalaada lacagta Giimbaarta ee ka socotay gobolka Togdheer
Guddigii loo magacaabay Haamaha shidaalka Berbera baabiintii heshiiskii shirkada Totol ee maamuli jirtay horaantii May 2011.

Guddiyadii Sannadihii 2012 ilaa 2014

1-Guddiga ka hortaga Aafada Tahriibta Dhalinyarada.

2- Guddiga Maamulka iyo Iibinta Hantida ma guurtada ah ee Qaranka, gaar ahaan Dhulka iyo Dhismeyaasha Dawladda.

3- Guddigii ka soo talo bixinta Hay’adda Korantada dawladda ee Caasimada

4- Guddigii Iibinta iyo maareynta Iskaraabka Qaranka

5- Guddiga derejooyinkii Ciidamada la siiyay

6- Guddiyadii soo afjarida Shaqaaqooyinkii ka dhacay, Gowso-weyne, Baliga Diiriye Guuleed, Caynabo, iyo Deegaamo kale oo dalka ah.

7- Guddida Dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Guddiyo kale oo tiro badan.

Dhammaan guddiyadaasi in yar oo ka mid ah ayaa ka soo dhalaalay hawshii loo xilsaaray, balse in badani dhibtii loo diray inay xal ka keenaan umay dhaqaaqin, oo mushkiladii weli waxa ay haystaa dadkii ay saamaysay.

Waxa la yidhi,nin ayaa Qur’aanka ka yaqaanay QULHUWALAHA, ninkani wuxuu sheekh u sheegtay reero uu la joogay, markii uu salaad kasta Qulhuwalaha ku tukiyey, ayey beeshii uu la joogay shirtay markaasay ku yidhaaheen” waar Qur’aanka Qulhuwalaha ayaad ka taqaan, markaa culimana ma tihid, ee sheekh kale ayaanu u baahanahay. Markaasuu ninkii ugu jawaabay” Ilmaadeerayaal qulhuwalahana Qur’aanka ha ka saarina, aniga culimada ha iga saarina”. Sidaasi darteed waar guddiyadani yaanay madaxweynahana ka saarin haybadii uu qaranka ku maamuli lahaa, iyaguna yaanay ummadda iska saarin.





Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@hotmail.com