Sida Wakhtigan Wararka Loo Fidiyo! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka"

0
Sunday February 05, 2017 - 08:56:09 in by salman abdi
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida Wakhtigan Wararka Loo Fidiyo! Sayid Maxamed Cumar "Darwiishka"

    Hal su'aal iyo hal jawaab oo sahlan ayaa boqol hab oo kala duwan loo fasiray loona falanqeeyay:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal su'aal iyo hal jawaab oo sahlan ayaa boqol hab oo kala duwan loo fasiray loona falanqeeyay:

Wariyihii ayaa wareystay madaxweynihii dalka. Su'aalihii wariyuhu uu madaxweynaha wayddiiyay waxaa ka mid ahayd su'aal ah, "mudane madaxweyne, midhaha la cuno midkee ayaad ugu jeceshahay in aad badanaa cunto?" Madaxweynihii ayaa ku jawaabay, "waxaan ugu jeclay in aan cuno tufaaxa."

 

Isla jeerkiiba waxa qodobada warka ugu doorka roon lagu soo qaatay, in madaxweynaha dalku uu jecel yahay 'tufaaxa'. Illeyn waa war culus oo aad u xasaasiya'e, warkii duul oo hawada dhex maquuray. Kadib daafaha u kala yaac. Buuraha fanay oo ka soo deg. Bannaanka yimid. Berriga gal. Badda u gudub. mawjaduhu sii xambaare. Muuq-baahiyayaasha, idaacadaha, wargeys-yada iyo mareeguhuna sii laba-legdee. Dadkuna idil ahaantiiba dhugay oo dhadhami inuu madaxweynuhu jecel yahay tufaaxa.

 

 

Arrinkii la jafjaf oo la jiidjiid. Dhan iyo dhinacyo kala duwanna laga fiiri oo la falanqee. Judhiiba siyaasi mucaarad ahi arrinkii naqdi oo si xun oo sixira dadkii wax ugu sheeg. Kuye, "tufaaxu midabkiisu waa casaan. Casaankuna waa dhiig. Dhiigguna waa colaad. Colaaduna waa dal burbur iyo dibu-dhac. Taas macnaheedu waxa weeye madaxweynuhu waxa uu jecel yahay dad la laayo iyo in dhiig uu ku daato ciiddeena dahabkaa. Sidoo kalena madaxweynuhu ma jecla midabka caddaanka ah ee ka turjumaya nabadda iyo badhaadhaha."

 

Fikirkii siyaasigu uu sheegay isna meel walba gondaha dhigay. Tii warbaahinta ahayd na iyana tororogteedii sii budlisay, badisay, baahisay oo sii buunbuunisay. Sacab iyo mashxarad na lagu sii gelbi. Kooxihii fadhi ku dirirka ahaana dhurme, oo dhawaaq dheer oo dhegaha u dhaadhacaya ku yidhaahde, " midho waa midho oo waa isku mid. Madaxweynuhu se midhihii ayuu hal nooc oo qudha uu ka jeclaaday. Sidaa darteed sida uu midhaha u kala jecladay ayuu dadkana u kala jecel yahay. Kolkaas wallaahi wax caddaalad la yidhaahdaa meesha ma taallo ee waa tabtii kale"!

 

Dhanka kale waxa wareysi gaar ah isna lala yeeshay mid aqoonyahan ah, waxaana la wayddiiyay, "fikir ahaan sidaad u aragtaa tufaaxa uu madaxweynuhu yidhi waan jeclahay?" Isna lingaxa ka dar oo jawaab yar wajiga kaga dhufay wariyihii, "waxaan u arkaa in tufaaxa uu sheegayaa aanu ahayn midkii la yaqaannay, balse uu ula jeedo shirkadda 'Apple', taas macnaheeduna waxa weeye alaabaha uu isticmaalo oo dhan waxa ugu deeqday shirkadda Apple!"

Odayadii dhaqanka ayaana iyana arrintan ka soo saaray war-murtiyeed ay ku dhaliilayaan hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha dalka waxayna yidhaahdeen, "arrintan madaxweynuhu uu ku dhawaaqay waa wax nagu cusub oo aan abid sheeko iyo shaahid toona lagu maqal. Sababtoo ah waxaanu caado u lahayn inaanu cunno cambaha iyo muuska, waana cuntooyinkii aanu beeran jirnay ee aanu awoow ka awoow ka soo gaadhnay. Madaxweynuhu haddii uu doonayo inuu dalkan cuntadiisa koobaad uu ka dhigo tufaax annagu marnaba kama yeeli doonno. Waana go'aankaygii kaba danbeysta ahaa, ee madaxweynuhu arrinkaas raalli-galin ha ka bixiyo sida ugu dhakhsiyaha badan, haddii kale se waxa meesha ka dhaca isagaa ka masuul ah!"

 

Waa duni aakhiro samaane baraha ay uu bulshadu ku kulanto sida faysbuugga ayaa isna arrinkan aad looga hadal yahay, waxaanay ujeeddadu ay isugu soo biyo shubaynaysay, "in dadku aanay haysan lacag ay ku iibsadaan tufaaxa, sababtoo ah sicirkiisu waa qaali, taas macnaheedu waxa weeye; inuu madaxweynuhu doonayo in dadka masaaliinta ahi ay meesha ku le'daan maadama aanay jareyn qiimaha lagu gadanayo tufaaxa!"

 

Ugu danbeyntii bulshada rayidka ah ayaa iyana sidoo kale fikirkooda ku aaddan arrinkan ka dhiibtay, waxaana hadalladooda ka mid ahaa, "arrintani waxay dhaawaceysaa horumarkii aanu higsanneynay ee ahaa, in aanu magaalooyinka ka dhigno kuwo cagaaran oo akhdar ah si ay indhuhu ugu doogsadaan. Madaxweynuhuna waxa uu ka soo horjeedaa inuu dalkeennu noqdo mid qurux badan oo loo soo dalxiis tago."

 

- Taabtaas ayaa maanta wararka loo fidiyaa. Bal hadda hal su'aal oo qudha iyo hal jawaab oo aad u sahlan ayaa intaas oo aragtiyo kala duwan ah lagaga jawaabay. Dadka waa la mashquuliyay oo waxa lagu mashqiuliyay wax aanay micno ku jirin. Dadkeenuna waa ba halka ay ka soo burtay jahwareerkan jaanta loo rogay! Allayhay waa Alle.

 

W/Q: Sayid Maxamed Cuamar ”Darwiishka”

Email:awdaahir2050@gmail.com