Ammaan & Mahad dhammaanteed ilaahaybaa leh Telesom-na way mudantahay W/Q: Maxamed Cabdillaahi Bashir (Maxamed-Xilkas)
Marka 1aad:Ilaahaybaa mahad dhammaanteed leh, Allaha innoo gartay inaynu ahaano bani-aadan ku nool ifka (Adduunka), innaga dhigay ummad islaam ah oo ku abtirsata diinta islaamka.
Marka 2aad:Maanta waxaan jeclahay inaan ka hadlo mid ka mid ah shirkadadaha waddaniga ah oo 20 kii sano ee ugu dambeeyay ka shaqaynaysay waddanka Somaliland taas oo ah shirkadda faca-weyn ee TELESOM.
Telesom waxaa la gun-dhigay dhammaadkii qarnigii 20aad, ilaa mudadaas waxay ahayd shirkadda ugu ballaadhan ee bixisa adeega isgaadhsiinta JSL; Telesom waxay ahayd shirkadda markasta hogaanka u haysa isgaadhsiin casri ah oo qancisay bulshada ku dhaqan JSL.
Telesom waxay inna bartaa nolosha casriga ah iyo inaynu la jaan-qaadno dunidan aynu ku noolnahay ee qarniga 21aad oo ku salaysan aqoonta technology-ga iyo isgaadhsiinta casriga ah ee xataa ku adag garaadka dad badan inay macnaheeda fahmaan. Shikaddu waa shirkadda kaliya ee dabooshay ama fulisay baahidii dadka ee ahayd inay helaan iskaadhsiin tayadeedu sarreyso, qiimaheedu macquul yahay oo noocyo badanleh iyo ku hadal telefoon oo tashwiish iyo go’itaan aan lahayn oo xataa bulshada gaadhsiisay inay lajoogaan ehelkooda iyo asxaabtooda ku nool meelo fog-gog oo u jira masaafo kumaan kun oo KM ah iyagoo uga war-haynaya minute by minute.
Telesom waxay innagu hoggaamisay isgaadhsiin aynu kaga horreyno waddamo badan oo ka tirsan dunida 3aad oo ay ka mid yihiin wadamada africa intooda badan. Tusaale ahaan waddama bariga africa dhammaantood waxaynu kaga horreynaa isgaadhsiinta ay hormuudka u tahay Telesom.
Waddamada bariga Africa kuwa aynu jaarka nahayy ee ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya, Djibouti, IWM; waxaynu dhammaantood kaga horreynaa Tecnology-ga iyo isgaadhsiinta casriga ah ee ay suurto-galisay Hooyada is gaadhsiinta ee Telesom.
Laga soo billaabo 2003; shirkadda Telesom waxay ahayd shirkadda markasta hogaanka tartanka isgaadhsiinta haysay. Waxay haysatay suuqa isgaadhsiinta iyo macaamiisha (Market share)in ka badan 70%, taas oo ka dhigaysa shirkadda calaamadda u ah haqab-tirka baahida isgaadhsiinta iyadoo shirkaddu suuqa hoggaamisa ilaa waqtigan aynu joogno 2017.
Marka 3aad:marka laga tago adeega ay innoo hayso shirkadda Telesom; shirkaddu waxay shaqo abuur u samaysay oo u shaqeeya in ka badan 3,500 oo shaqaale ah. Haddaba shirkaddu waxay kaalinta hore kaga jirtaa shirkadaha shaqo abuurka ugu badan ka sameeyay waddanka.
Sidaa darteed Telesom waxay mudantahay "Ammaan iyo mahad-naq in loogu abaal gudo”
Telesom waxaa lagu xasuustaa waxyaabahan hoos ku taxan:
§ Telesom waa shirkadda kaliya ee tartan xalaal ah u qabata shaqaalaha ay qaadaneyso balse tix-gelisa aqoonta, tayada, dhaqanka wanaagsan, khibradda iyo qiimaha ay leeyihiin tartamayaashu. Shirkaddu markasta oo ay shaqo bannaanaato way soo xayaysiisaa si ay u hesho qofka ugu mudan isla markaana ummadda ugu caddaalad sameyso oo ay u abuurto kalsooni bulshada dhexdeeda ah. Taasi waxay dhiirigelisaa in qofka waxbarasho ku dadaalay, dhaqankana ilaashaday aanu la sinnaanin ka waxbarashada dayacay marka loo tartamo shaqada bannaan ee Telesom. Inta badan bulshada Somaliland waxay ka cabataa in fursadaha shaqo ee shirkadaha, haayadaha iyo laamaha dawladda ka bannaanaada aan loo sinnayn; markaa Telesom hadday sinnaanta fursadaha shaqo hirgelisay miyaanay ammaan iyo mahadin mudnayn? Jawaabtu waa " haaa, aad ayay u mudantahay in la ammaano oo lagu faano”
§ Telesom waa shirkad shaqaalaheeda lagu arko astaamo suuban oo ay ka mid yihiin: diin, aqoon, masuuliyad, hawlkarnimo iyo hal-abuur cusub oo la jaan-qaadikara qarnigan 21aad.
§ Telesom shaqaalaheedu inay labeen yihiin waa mid aad dareemi-karto markaad aragto hal-abuurka (innovation) ay sannad kasta shirkaddu ku tallaabsato kaasoo sabab u ah inay markasta ka horreyso shirkadaha la tartamaya.
§ Telesom waa shirkadda qudhaata ee bixisa abaal-marin joogto ah oo ay siiso shaqaalaheeda iyadoo ku salaynaysa waxqabadka sannadka iyo hawl-karnimada ay la yimaadeen mudadaas. Shirkaddu waxay sameysaa abaal-marin sannadkiiba mar ay u sameyso shaqaalaheeda ugu mudnaa qiimeynta sannadlaha ah. Arrintaasi waxay dhiirigelin shaqa-wanaaga iyo daacadnimada shaqaalaha.
§ Telesom waa shirkadaha waddanka ugu horreeya markay timaado dallacsiinta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha; shaqaalaha waxay u sameysaa higsi iyo han ay ku iftiinsadaan mustaqbalkooda. Shaqaalaha Telesom waxay caan ku yihiin inay noqdaan muraayada waddanka sida ganacsata iyo siyaasiyiinta.
Marka 4aad.Telesom waxay kaalmaha ugu horreeya kaga jirtaa ka qayb-qaadashada hormarka bulshada, kobcinta dhaqaalaha waddanka,dhisidda kaabayaasha horumarka (biriishyada, waddooyinka,xarumaha caafimaadka, iyo goobaha waxbarashada), taakulaynta dadka tabaaleysan, sugidda ammaanka, tabarucaadka diiniga ah iyo guud ahaanba ka jawaabidda dhibaato kasta oo soo food-saarta bulshada Somaliland. Sidoo kale shirkaddu waxay qayb laxaadleh ka qaadataa aqoonsi raadinta JSL iyadoo adeegyada shirkadda qaar ka mid ah sida ZAAD-ka ay aqoonsadeen shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Micro-Soft oo mulkiilaheedu (Bill Gates) uu ku tilmaamay adeeg cajiib ah; taasina waxay keenaysaa in bulshada caalamku ka war hesho JSL oo ay indhaha u soo jeediyaan.
Tusaale ahaan waxaa caddayn innoogu filan in shirkaddu waqti-xaadiran oo waddanku ku jiro xaalad cakiran oo bulshadu ladaalaadhacayso dhibaatooyin badan ay ka mid yihiin abaaro daran oo aad u baahsan, iibkii xoolaha oo istaagay, sicir-barar waddanka aafeeyay IWM; Telesom wajigii 1aad ee ka qayb-qaadashada abaaraha waxay bixisay lacag dhan laba boqol oo kun ($200,000) oo dollarka maraykanka ah si loogu gurmado dadka reer-guuraaga u badan ee abaaruhu ku habsadeen ee ku dhaqan gobolada bariga JSL.
Wajigii 2aadee gurmadkana waxay bixisay lacag dhan shan boqol oo kun oo dollar ($500,000). Ma dhacdo in bulshada Somaliland baahi ku timaado oo shirkaddu aanay ka qayb-qaadanin isla markaana waa shirkad ka mida shirkadaha ugu horreeya ee ka jawaaba baahiyaha deg-dega ah.
Haddaan is idhaahdo Telesom waxqabadka ay bulshada la garab-taagantahay tiri waxay igu qaadan waqti aanan qiyaasi karayn lkn intaasi waxay ahayd tusaaleyaal aad wada xasuusan kartaan.
Haddaba u jeedada maanta igu kalliftay inaan wax ka qoro shirkadda Telesom ayaa waxay tahay in mararka qaar aad arkayso qof si qaldan baraha bulshada ugu baahinaya dhalliilo aan wax-ku-ool ahayn oo ay ka sheegayaan shirkaddan iyo shirkadaha kale ee lamidkaa.
Baryahan dambe bulshada waxaa ku soo batay in qofku cay iyo fadeexad dusha ka saaro shirkad ama xarun adeeg umadda u haysa haddii danihiisa gaarka ah uu ka waaayo; bulshadu waa inay ogaataa in diinteena suubani aanay ogalayn arrimaha noocaas ah. Dhawrsanaantuna waxay tahay in qofku uu waxa uu tabanayo ama dhalliisha uu hayo uu si habsami ah u geeyo xafiiska uu ka cabanayo sidaasina waxay dawo ka tahay is naca iyo kala-fogaansho ummada soo dhex-gala.
Bulshada Somaliland; gaar ahaan dhallin-yarta wax ku qorta baraha bulshadu ku xidhiidho ee uu ka mid yahay Facebook iyo warbaahinta sida websites-ka iyo TV-ka waxaan ka codsanayaa inay sida hormarku ku jiro ay u fakaraan oo ay kala gartaan "inaad wax dhalliisho iyo inaad amaanto mid-keebaa fiican/mudan”. Dhalliishu waxba masoo kordhiso diintana laguma ammaanin.
Bulshada waxaan kula talin inay noqdaan kuwo dhinaca wanaagsan wax ka eega isla markaana dhalliisha jirta ku saxa wadada ku habboon.
Qofka wax dhalliilaya waxaa wanaagsan in uu xarumaha shirkadaha iyo goobaha uu eedaha u hayo booqdo oo oo uu u gacan-geliyo dhalliisha uu u hayo ama uu ku rido sanduuqa tala-bixinta (suggestion box).
Siday diinteenu sheegtay nasteexadu waa inaad talo bixiso ee maaha inaad fadeexad baahiso oo aad afka furato; diinteenu waxay inna bartay nasteexada waxayna innoo diiday fadeexadda.
Baraha bulshadu ku xidhiidho inaad cay iyo fadeexad soo dhigto diintu ma ogala haddii waxaasi aanay ahayn wax diintu amartay ama ay joojisay oo ay waajib tahay qofku inuu bulshada gaadhsiiyo.
Gunaanadkii iyo geba-gebadii:waxaan ku talin lahaa in ummaddu ilaahay ka baqdo, diinta in la raaco, wanaaga iyo hormarka laga faafiyo, dhalliisha in laga tala-bixiyo oo la saxo, aflagaadada iyo fadeexadda in laga hadho iyo shirkadaha waaweyn gebi-ahaantoodba in la ixtiraamo oo sumcaddooda la ilaaliyo.
Ilaahaybaa mahadleh
Qalin-kii
Maxamed Cabdillaahi Bashir (Maxamed-Xilkas)
5msplan2015@gmail.com/maxamed325@hotmail.com/
savehuman1988@gmail.com Tell:063-4430068 / 065-9999211
Ammaan & Mahad dhammaanteed ilaahaybaa leh Telesom-na way mudantahay W/Q: Maxamed Cabdillaahi Bashir (Maxamed-Xilkas)
Anigoo ah qoraha magaciisu sare ku xusanyahay waxaan bulshada dhammaanteed usoo gudbinayaa xog-tilmaameedkan hoos ku qoran: