Xulka Brazill Oo Naf Lacaari Ku Baxay Iyo Colombia Oo U Xoog Sheegatay Uruguay Una Gudubtay Rubuc Dhamaadka Koobka Aduunka Colombia Oo waddo Marisay Uruguay iyo

0
Sunday June 29, 2014 - 13:47:42 in by salman abdi
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Brazill Oo Naf Lacaari Ku Baxay Iyo Colombia Oo U Xoog Sheegatay Uruguay Una Gudubtay Rubuc Dhamaadka Koobka Aduunka Colombia Oo waddo Marisay Uruguay iyo

    Xulka wadanka Brazil oo ku sigtay in laga reebo koobka aduunka ee ay marti gallinayaan, ayaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka wadanka Brazil oo ku sigtay in laga reebo koobka aduunka ee ay marti gallinayaan, ayaa...

 rigoodhayaal 3-2 ah kaga adkaaday xulka Chile , sidaasna ugu gudbay wareega 8 da ee koobka aduunka.

 

David Luiz ayaa hogaanka u dhiibay Brazil qaybtii hore ee ciyaarta , shabaqana ku hubsaday goolkii koowaad, kahor intii aanu barbar dhaca u dhalinin Chile, weeraryahanka naadiga Barcelona Alexis Sanchez.
Qaybtii horena wuxuu ku dhamaaday 1-1 , qaybtii dambe ee ciyaartana isbedel laguma samayn Natiijada, waxaanay labada dhinacba isku dayayeen inay gool keenaan, laakiin xataa 30 kii daqiiqo ee lagu daray ayaanay suurto gallin in wax la kala dhaliyo.

Si loo go’aamiyo cida gudbaysana , waxaa loo dhigay rigoodhayaal , taas oo Brazil guushu ku raacday 3-2, waxaana ku guntaday oo 2 goolna qabtay midna Birtu ka celisay goolwadaha qaranka Brazil ee Julio Cesar oo Geesinimo badan muujiyey.

article-2671501-1F389EBD00000578-975_964x476

Sidaas ayaanay xulka tababare Luis Flip Scolari ku noqdeen , xulkii ugu horeeyey ee u baxa wareega rubuc dhamaadka koobka aduunka ee sanadkan ka socda Brazil.

429893_heroa

Colombia Oo U Xoog Sheegatay Uruguay Una Gudubtay Rubuc Dhamaadka K-Aduunka

Colombia ayaa 2-0 ugu awood sheegatay Uruguay , kulankii labaad ee laba wadan oo ka soo wada Jeeda Koonfurta Maraykanku isku haleelaan wareega 16 ka ee Isreeb reebka tooska ah ee koobka aduunka oo ku dhex martay garoonka Maracana ee caasimada Rio de Janeiro.

Xidiga ugu goolasha badan koobka aduunka ee James Rodriguez ayaa labada goolba ka dhaliyey Uruguay, kuwaas oo tirada goolashiisa ka dhigay 5 gool inuu ku haysto darajada laacibka u sharaxan kabaha dahabka ah ee ilaa imika.

Xulka Colombia oo awood buuxda kaga soo baxday Group C, saddexdii xul ee kale ee kula jiray oo kala ahaa Greece, Ivory Coast iyo Japana ka soo qaadatay 9 kii dhibcood ee loo baahnaaba, ayaa markale muujisay inay tahay xulka ugu awooda badan ee tartanka ilaa hadda ka dhex muuqda.

Uruguay ayaa iyaduna habeenkii ugu dambeeyey dirqi kaga soo baxday Group D, isla markaana uu ganaax kaga maqnaa weeraryahankeeda qaniinyada eeday ee Suarez , ayaa sidaas kaga hadhay koobka aduunka.

Colombia Vs Uruguay a Colombia Vs Uruguay b Colombia Vs Uruguay c Colombia Vs Uruguay d Colombia Vs Uruguay e Colombia Vs Uruguay f Colombia Vs Uruguay g Colombia Vs Uruguay h Colombia Vs Uruguay





Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com