Tababare Arsene Wenger Oo Marmarsiyo Layaab Leh Sameeyay Si Aan Loogu Eedeyn Guuldaradii Stamford Bridge.

0
Sunday February 05, 2017 - 12:34:53 in by Burco Office
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Arsene Wenger Oo Marmarsiyo Layaab Leh Sameeyay Si Aan Loogu Eedeyn Guuldaradii Stamford Bridge.

    Tababare Arsene Wenger ayaa dhinac isaga tuuray in lagu eedeeyo guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay garoonka Stamford Bridge ee galbeedka magaalada London markaas oo 3-1 ay kusoo dishay kooxda Blues ee ka arrimisa horyaalka Ingiriiska waqtigaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenger ayaa dhinac isaga tuuray in lagu eedeeyo guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay garoonka Stamford Bridge ee galbeedka magaalada London markaas oo 3-1 ay kusoo dishay kooxda Blues ee ka arrimisa horyaalka Ingiriiska waqtigaan.


Arsenal waxey u muuqdeen kuwo ku muuqbeelay garoonka Stamford Bridge, waxaana ku raftay wiilka gaaban ee reer Belgium Super Eden Hazard.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa kulankaan wuxuu u ahaa kulankii 3-aad oo uu ganaax ku seegayo kulamada hoos yimaada xiriirka FA-ga madama ganaax afar kulan ah garka loo galiyay sidoo kalana Arsene waxaa la duldhigay ganaax lacageed oo gaaraya 25,000 kun oo Pouond.

Saxaafadda ayaa weydiisay hadii ganaaxaan ay noloshiisa ka dhigtay mid adag madama uu kulankii labaad oo xiriri ah guuldaro la kulmay.

"Waa Jahawareer weyn sababtoo ah shaqadeyda uma gudan karo sida aan jeclaa inaan u qabto” Ayuu yiri Arsene Wenger.

"Balse waxaan ku qasbanahay inaan la dhibtoodo waxa aan sameeyay waana aqbalay. Waa inaan la xaalno, sidoo kalana waan ku taqasusay sida loola xaalo”

"Waxey ii aheyd jahawareer inaan kor ka daawado sababtoo ah waxaad dhex fadhiisaneysaa dad badan, waxey wacanayaan taleefoon, wey istaagayaan hadana hoos ayey u dagayaan”

"balse uma maleynayo iney si wanaagsan sharaxaad ugu tahay guuldarada nasoo gaartay maanta”