Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo Codsatay In Laga Noqdo Eedo Boolisku U Haysto Guuleed Axmed Jaamac

0
Sunday February 05, 2017 - 18:19:39 in by salman abdi
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Oo Codsatay In Laga Noqdo Eedo Boolisku U Haysto Guuleed Axmed Jaamac

    Hargeysa(AFKA);Booliiska Somaliland ayaa maanta waraysi la yeeshay gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac, oo ay maxkamaddu ugu yeedhay si uu uga jawaabo su'aalo kadib markii booliisku soo xareeyey dacwad ciqaab ah oo ka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Booliiska Somaliland ayaa maanta waraysi la yeeshay gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac, oo ay maxkamaddu ugu yeedhay si uu uga jawaabo su'aalo kadib markii booliisku soo xareeyey dacwad ciqaab ah oo ka dhan Guuleed oo lagu haysto codsiyo (petition) lagu dalbanayo in dib-u-habayn lagu sameeyo booliiska.

Codsiga lagu haysto Guuleed ayaa ahaa mid lagu dalbaday "in dib-u-habayn (reform) lagu sameeyo booliiska Somaliland; in dacwadaha ka dhanka ah Booliiska ay qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah ee dalka (civilian courts);Guuleed wuxuu Sabtidii siiyay waraysi wargeyska Sahan si uu ugu sharraxo codsigu wuxuu ku saabsan yahay. Tafatiraha wargeyska ayaa sidoo kale loo yeedhay


in la abuuro qaab iyo xeerar lagula xisaabtamo Booliiska hadii uu gef sharci galo; iy in qaab dhismeedka Booliiska wax laga bedelo si uu u noqdo mid la jaan qaadi kara dastuurka JSL si loo dabar gooyo dhaqamadii laga dhaxlay dawladdii ciidanka ahayd ee Siyaad Barreā€. Ilaa hada boqolaal qof ayaa saxeexay codsiga.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsnaysaa dawladda Somaliland inay ka noqoto eedaha ay ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac.

 

Ahmed Hussein Abdi

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: media@hrcsomaliland.org or

chair@hrcsomaliland.org