Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala Duwan uga hadashay una Qaadaa Dhigtay Socdaalki Cali Khalif Gallaydh ee Hargeysa

0
Wednesday February 08, 2017 - 12:10:27 in by salman abdi
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Caalamka oo siyaabo kala Duwan uga hadashay una Qaadaa Dhigtay Socdaalki Cali Khalif Gallaydh ee Hargeysa

    Warbaahinta waawayn ee caalamka, ayaa wax ka qortay safarkii hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh uu ku yimmi Caasimadda Somaliland ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Warbaahinta waawayn ee caalamka, ayaa wax ka qortay safarkii hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh uu ku yimmi Caasimadda Somaliland ee

 Hargeysa maalintii Isniinta, iyo soo dhawayntii madaxda Somalilnd ku soo dhaweeyeen dalka.

CALI-KHALIIF-GALAYDH-OO-HARGEYSA-LAGU-SOO-DHAWEEYEY-2017

Telefiishanka qaranka dawladda Shiinaha, ayaa ka mid ah warbaahinta caalamka ee wax ka qortay socaalka Somaliland ee Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, kuwaasoo baahiyay muqaalka sawirka Cali Khaliif Galaydh oo ay is gacan qaadayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte) oo soo dhawaynayay.

Telefiishanka Shiinaha ee warkan baahiyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay guul wayn ka gaadhay nabadaynta Somaliland iyo arrimaha tabashooyinka siyaasadeed ee jira, iyo weliba gogoshii nabadda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u fidiyay beelaha bariga Somaliland, socdaalka siyaasiga Cali Khaliif-na uu la xidhiidho wada-xaajoodka iyo qodax-tirka tabashooyinka bulshada degaankiisa.

Waxa kaloo Telefiishanka Shiinuhu sheegay in si dhab ah loogu guulaystay gogoshii nabadaynta ee Madaxweynaha Somaliland mudane u fidiyay beelaha bariga Somaliland, tallaabadaasna laga gaadhay midho dhal fiican, isla markaana ay ka dhasheen shirarkii magaalooyinka Awrbowgay, Xudun, Taleex iyo Adhi-cadeeye, kaas oo ay heshiisyo waawayn ku gaadheen beelaha Nugaasha iyo Xukuumadda Somaliland.

Telefhiisanku waxa kaloo uu sheegay in socdaalka Cali Khaliif Galaydh iyo wada xaajoodka Somaliland iyo kooxda Khaatumo ay dhammaystir u yihiin arrimaha nabadaynta Somaliland iyo tabashooyinka siyaasadeed ee beelaha beriga Somaliland, isla markaana la rajaynayo in guul weyn laga gaadho oo ay so af-jarto tabashada iyo kala qayb-sanaanta siyaasadda Somaliland.

Prof. Cali Khaliif Galayydh ayaa subaxnimadii hore ee maalintii Isniinta cagaha soo dhigtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah maamulkiisa Khaatumo, waxaanu soo dhawayn diiran kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa iyaguna ku booqday Hoteel Ambassador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacdeen Madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Weftiga uu hogaaminayay Prof: Cali Khaliif Galaydh waxa ay isla maalintii Isniinta ay u dhoofeen dalka Jabuuti, waxaana wehelinayay oo ay isku diyaarad ka raaceen Hargeysa wefti kale oo ka socda Xukuumadda Somaliland, oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.