Qoys Somaliya Oo Dib Umidoobay Ka Dib Xanibaadii Trump Ee Socdaalka.

0
Thursday February 09, 2017 - 09:04:15 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoys Somaliya Oo Dib Umidoobay Ka Dib Xanibaadii Trump Ee Socdaalka.

    Mohamed Iye oo ku sugan Aiport ka Caalamiga ah ee Minneapolis-St. Paul International Airport waxa kamuuqatay farxad balaadhan, daqiiqadihii uu ku soo dhawaynayay Airport ka Xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay. Mohamed Iye muuna arag reerkiisa i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Iye oo ku sugan Aiport ka Caalamiga ah ee Minneapolis-St. Paul International Airport waxa kamuuqatay farxad balaadhan, daqiiqadihii uu ku soo dhawaynayay Airport ka Xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay. Mohamed Iye muuna arag reerkiisa in kabadan 2 sano.


Iye, oo da’diisu tahay 66 jir , waa Somali ku dhashay Maraykanka oo ku nool Maplewood, waxa uu sugayay reerkiisa saacad , kadib markii uu ogaaday in Diyaaraddii sidday reerkiisa ay ka soo baxday Magaalada Amesterdan, iyada oo uu imaatinkeedu ku soo beegmay saacaddu markay ahayd 12:26 p.m.

Albaab kii Waynaa ee diyaaradda Markii lafuray , waxa ku soo baxay xaaskiisa Saido Ahmed Abdille, iyo labadiisa aruur ahayd Nimco, oo da’deedu tahay 4 sano jir, iyo Nafiso oo da’deedu tahay 2 sano jir.

 

Mohamed Iye waxa uu kor u qaaday inantiisii wayneyd ,kadibna inantiisii yarayd ee kale.

Xannibaaddii uu saaray Madaxwaynaha Trump inay dalkiisa u soo safraan dadka ka soo jeedda 7 Waddan ee u badan Islaamka ayaa khal khaliyay qorshaha ay reerkiisu ugu iman lahaayeen.

Saido Ahmed Abdille waxa ay ku sugnayd Magaalada Nairobi Usbuucii hore ee lasoo dhaafay, markii loo sheegay inanay u safri Karin Maraykanka, markay ka degto Amesterdam.

Kadib waxa loo sheegay in Maxkamadda Federal ka Maraykanka inay joojisay xannibaaddii Trump uu saaray Waddamadii loo diiday inay galaan Maraykanka , waxayna isla markiiba bilawday inay soo qaadato si dhakhsa ah Fiisaheeda ay ugu baxayso Maraykanka.

" Waxaan aad uga warwarsanaa inaan awoodi waayo inaan imaado halkan” Waxay ku dartay inaanay wax dhib ah lakulmin intay dhexda ku soo jirtay ee ay soo maraysay Kastamka iyo Waaxda Socdaalka.

"Tani waa qaybtii u horeysay ee farxadda aanu dareemeyno” Mohamed Iye ayaa isaguna yidhi.

WARAR DHEERAAD AH

Trump si adag oo xanaaq ku jiro ayuu uga jawaabay Jimcihii Go’aankii Maxkamadda , waxa uuna dalbay Rafcaan. Laakin Axaddii galin kii hore , Maxkamadda Rafcaanka ayaa diiday codsigii uu soo gudbiyay Waaxda cadaaladda ee maraykanka oo dalbanayay in lasoo celiyo go’aankii Trump uu ku joojiyay isu socodka dadka sida gaar ka ah uu badh tilmaameed saday Maamulka Trump.

Dhinaca kale Airport waxa ku sugnaa dad tiro badan oo isu diyaarinayay soo dahwaynta Dadkooda soo galaya Maraykanka.