Antonio Conte Oo Banaanka Soo Dhigay Sababtii Ka Dambeysay Fashilkiisa Kulamadii Ugu Horeeyay EPL-ka

0
Friday February 10, 2017 - 12:52:54 in by Burco Office
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Banaanka Soo Dhigay Sababtii Ka Dambeysay Fashilkiisa Kulamadii Ugu Horeeyay EPL-ka

    Tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday sababtii ka dambeysay fashilkiisii bilowga horyaalka Ingiriiska, wuxuuna ku sheegay in ciyaartoydiisa ay iska indho tireen shaxdiisa isla markaana ay ku dhageen shaxdii h--e inkastoo ay gadaal ka fahmeen s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday sababtii ka dambeysay fashilkiisii bilowga horyaalka Ingiriiska, wuxuuna ku sheegay in ciyaartoydiisa ay iska indho tireen shaxdiisa isla markaana ay ku dhageen shaxdii h--e inkastoo ay gadaal ka fahmeen sida ay u wacan tahay shaxdiisa.

Macalinkii h--e Juventus ayaa bilow fiican ka sameeyay Premier League inkastoo kulamadii ugu horeeyay uu dibin-daabyo la kulmay hadana wax walba wuxuu ku eedeeyay wiilashiisa.

"Hadaan daacadda ka hadlo, ciyaartoydeyda, ma aysan adeegsan falsafadeyda” Ayuu yiri Antonio Conte.

 

"Bilowgii waan ku dhibtoonay inyar sababtoo ah shan daqiiqo, toban daqiiqo wey caajisayaan”

"Aad bey u adkeyd balse waxaan bilownay inaan wadada wanaagsan raacno. marka aan daawano kulanka. ma helno qaladka leh sababtoo ah waxaa nalaga dhalinayaa gool, maya kaliya inaan hormar sameyno”

"Waxa iigu muhiimsan waa inaan noqono koox, xidig walba waa inuu xirfadiisa dabiiciga ah ku saacidaa kooxda”