"Laba Nin Baynu Dooranay, Midi Waa Saylici Oo Dibadda Ayaa Loo Tuuray, Midina Waa Siilaanyo Waa Taa Waraaqda Loo Qorayo, Markaa Yaa Ina Xukuma?"Siciid Cilmi Rooble

0
Friday February 10, 2017 - 15:29:07 in by Burco Office
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Laba Nin Baynu Dooranay, Midi Waa Saylici Oo Dibadda Ayaa Loo Tuuray, Midina Waa Siilaanyo Waa Taa Waraaqda Loo Qorayo, Markaa Yaa Ina Xukuma?"Siciid Cilmi Rooble

    Hargeysa(AFKA)Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay, saldhiga millatari ee imaaraadka laga siinayo magaalada Berbera, sidoo kalena waxa uu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay, saldhiga millatari ee imaaraadka laga siinayo magaalada Berbera, sidoo kalena waxa uu ka

 jawaabay hadalkii shalay ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi Cabdi oo sheegay inaanay Somaliland dhex ka ahayn dagaalka Xuutiyiinta iyi Carabta.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ugu horayn su’aal galiyey cidda ay maanta gacanta ugu jirto talada dalka Somaliland, waxaana uu sheegay inay taladii la wareegeen Maxamuud Xaashi iyo Baashe Cawil oo uu sheegay inay taladii ka tuureen Madaxwaynihii iyo kuxigeenkii qaranka, Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

 

 


"Reer Somaliland-noow waxaad is waydiisaan horta yaynu dooranay, laba nin baynu dooranay, nin waa Saylici oo dibadda ayaa loo tuurey, nina Siilaanyo weeyaan oo waatan waraaqda afarta layn ah loo qorayo, yaa ina xukuma markaa? , dee Maxamuud Xaashi ayaa ina xukuma iyo ninkan yar ee Baashe la yidhaahdo, labo aynaan dooran ayaa ina xukuma, dad liita oo maati ah baynu nahay oo aan odhan karayn waar dadkii aanu dooranay ma joogo dhulka, Madaxwaynihii aanu dooranay dee ha soo baxo oo sidiisii khudbadaha ha jeediyo haddii kale oo aanu awoodaas lahayn ha wareejiyo xilka Saylici baa lehe, caafimaadka iyo caafimaad darradana ilaahaybaa keena ceebna maaha, haddii madaxwaynaheenii Qabar ku dhacay waxay ahayd inuu fadhiisto oo uu Saylici qabsado ee may ahayn inay inamo ina qabsadaan may ahayn, anaga Baashe na xukumi maayo Maxamuud Xaashina na xukumi maayo intaas ayaynu odhan kari la’nahay waxaas oo dhan waxa inoogu wacanina waa golayaasha, waliba golaha wakiiladu ha sii liitee, golaha lagu jabay ee wadankan dilay ee baab’iyey ee halkaas hunguriga ka shaqaynayaa waa golaha wakiillada ee aan ilaahay ka yaabayn ee aan qabriga ka yaabayn, ee aan ubadkooda u tudhayn ee aan ooriyahooda u tudhayn goluhuna ma wada dhimane in yarbaa ka nool, maanta ayaa se la eegi doonaa bal waxa uu yeelo haddii uu Somaliland-neey golahayagaasi is bad-baadiyana in uun baad maanta caynto leedihiin, hadii kale way idiin dhamaatay”

Xildhibaan Salle Calee ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalkii ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi ee uu ku sheegay inuu ka mid yahay dadkii dalka soo xoreeyey, waxaana uu xildhibaanku tilmaamay inuu Maxamuud Xaashi is dhiibay dalna aanu xorayn, hase yeeshee ragga uu maanta caayayaa ay yihiin kuwii dalka xoreeyeey markii uu Maxamuud Xaashi is dhiibay, waxaana uu yidhi:

"Maxamuud Xaashi hadalkiisii ayaan tixraacayaaye, waxa uu yidhi anaga ayaa soo dagaalanay waar halkee ayuu ku soo dagaalamay, sawtuu is dhiibay maaha, intii uu caayay waa nimankii mujaahidiinta ahaa ee dalka qabsaday, halkaas Madaxtooyada ee iminka uu fadhiyo, maalintii SNM dalka la qabtay ninkii ka hadlay ee afkii SNM ku hadlay ee tilmaamay in dalkii SNM qabsatay Ibraahin Dhago-wayne ayuu ahaa, kiibuu maanta caayayaa. Ma Baashe ayaa markaas joogay mabuu dhalane, mise Maxamuud Xaashi ayaa joogay, waxaan idiin sheegayaa dadyahoow Somaliland ahi meel xun baynu taaganahay haddii aad maanta iska kicisaan waxaasna in uunbaynu naruuro leenahay, waxaan idiinku baaqayaa maalinta 12 ama 13-ka bisha ee waxaas (saldhiga) la hor keeno, hor kaalaya golayaasha sidii aanu samayn jirnay sameeya, shabciyoow kaalaya waa inoo dhakhtarka, waa inoo mudaaharaad, bartaas istaaga, Vitto dhaha, waar bal Isaaqow maalin uun hadla, maxaad u hadli waydeen shalayto Daahir Riyaale waydinkii sida shinida ugu xoomaye, maxaad Siilaanyo maalin ugu soo bixi waydeen rogmanay oo waxba kama nooline”

Ugu dambayn Siciid Cilmi Rooble ayaa beeniyey inay Somaliland qayb ka tahay dagaalka xuutiyiinta iyo carabta waxaana uu sheegay inay Somaliland dhex ka tahay dagaal diimeedka u hexeeya shiicada iyo sunniga carabta ah, taas bedelkeedna waxa uu xildhibaan Salle calee carabka ku adkeeyey inay Somaliland danaheeda ilaashanayso, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

"Maxamuud Xaashi dagaalkiibuu qayb inaga dhigay, Sunibaanu nahay, shiico ma nihin, dagaalka qaybaanu ka nahay ayuu toos u yidhi waar taas yuu ku metelaa, war Somaliland waa dhex-dhexaad maba lulatee maxay leeftaa waar maaniga dalba ah goorma ayaan kala raacaa, adeer shiico waxba iima gaysan Sunni baa i kadeeday wax alla wixii dawladood ee Siyaad Barre taageerayay Suuni bay wada ahaayeen, cid alla cidda dantyada eegaysa ayaanu taageeraynaa yuhuudna ha noqotee, haddii ay Isra’iil tiraahdo waan ku ictiraafayaa diyaar baanu u nahay anagu”.