Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa cusub ee Somalia (Maxay ka wada hadleen)

0
Friday February 10, 2017 - 15:44:51 in by Burco Office
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa cusub ee Somalia (Maxay ka wada hadleen)

    Madaxweynaha dowlada Turkiga Reccep Dayib Erdogan ayaa khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa cusub ee loo doortay Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlada Turkiga Reccep Dayib Erdogan ayaa khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa cusub ee loo doortay Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo. Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey madaxweyne Farmaajo guusha uu ka gaaray doorashada Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorashadaas ay muujineyso in Somalia ay cagta saartay wadada nabada, Dimoqraadiyada iyo Horumarka.

"Waxaan diyaar u nahay inaan kula shaqeyno, waajibaadkana, gacan kugu siino sida aan ula shaqeyn jirnay madaxdii ka horeysay, dowlada Turkiguna wey sii wadi doontaa taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyed” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Erdogan xiriirka uu la soo sameeyey, wuxuuna xusay shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan shacabka dowlada iyo dowlada Turkiga oo uu xusay iney mar kasta garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda arrimaha dibeda Turkiga qoraal ay shalay soo saartay ku sheegtay in dowlada wadankaas ay soo dhoweyneyso isbedelka ka dhacay Somalia iyo doorashada madaxweynaha cusub.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageera dowladda Somalia, wuxuuna Somalia ka hirgeliyey sanadihii la soo dhaafay mashaariic horumarin ah oo ay ka mid yihiin isbitaalo, Iskuulo, dhismaha wadooyin cusub iyo qaar kale.