War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Oo Faafihiyey Qorshihiisa Boqolka Maalmood Ee Igu Horeeya +Muuqal

0
Friday February 10, 2017 - 15:59:32 in by Burco Office
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Cusub Ee Somaliya Oo Faafihiyey Qorshihiisa Boqolka Maalmood Ee Igu Horeeya +Muuqal

    Madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshihiisa 100-ka maalmood ee soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshihiisa 100-ka maalmood ee soo socda. Farmaajo ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii dabaaldega isla markaana laga sugayo hadda iyo wixii ka danbeeya shaqada dowlada cusub si loo ambaqaado howlaha ugu horeeya ee wax ka qabashada deg deg ah u baahan.

"Tallaabada ugu horeysa ee aan qaadayo boqolka maalmood ee soo socda waa inaan soo magacaabo raisul wasaare soo dhisa xukuumadii fulinta oo laga rabo iney la timaado qorshe hufan oo wax looga qabanayo xaaladaha u baahan in deg deg wax looga qabto” ayuu yiri yiri Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in qorshaha boqolka maalmood ay ugu jirto inuu wax ka qabto cadaalad darada ka jirta heyadda garsoorka, wuxuuna xusay cadaalad la’aan aysan dowladi shaqeyn Karin.

Qorshihiisa ayuu sidoo kale sheegay inuu qeyb ka yahay wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee dalka ka jira, wuxuuna xusay in abaartu ay tahay mid ku baahsan meelo badan oo ka tirsan dalka, ayna wax ka qabashadeeda la kaashan doonaan qeybaha bulshada, Jaaliyadaha dibeda iyo ganacsatada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa balan-qaaday inuu dagaal aan naxariis laheyn la geli doono musuqmaasuqa heyadaha dowlada, uuna sameyn doono hanaan lagu dabagalayo dhaqaalaha dowlada.