Kulan Isugu Yimaadeen Baarlamanka Dowlad Afrikaan ah oo ku dhamaaday feedh iyo Laad + Sawirro)

0
Friday February 10, 2017 - 16:39:51 in by Burco Office
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Isugu Yimaadeen Baarlamanka Dowlad Afrikaan ah oo ku dhamaaday feedh iyo Laad + Sawirro)

    Kulan uu shalay isugu yimid baarlamanka dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhamaaday Feer iyo laad ka dib markii mucaaradka ay is hortaageen khudbad uu madaxweyne Jacob Zuma ka jeedin lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan uu shalay isugu yimid baarlamanka dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhamaaday Feer iyo laad ka dib markii mucaaradka ay is hortaageen khudbad uu madaxweyne Jacob Zuma ka jeedin lahaa .Xubno ka mid ah xisbiga xagjirka ah ee mucaaradka ee u ololeeya arrimaha dhaqaalaha (EFF), oo dhammaantood xirnaa dhar guduud ah, ayaa feer ku billaabay ciidamada isku deyay inay kal-fadhiga ka saaraan.

Mr Zuma ayaa laba jeer istaagay masraxa oo isku deyay inuu hadalka billaabo, laakiin xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay oo u diiday inuu kalmad jeediyo, waxaana laga dalbaday inuu is casilo.

Madaxweynaha ayaa Markii uu galayay dhismaha baarlamaanka shalay, waxaa lagu soo dhoweeyay ereyo qeylo ah "Tuug". Iyadoo six un loogu oriyay Madaxweynaha.

Xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee ANC ayaa dhankooda ku qeylinayay "ANC, ANC, ANC" iyagoo difaacaya madaxweynaha.

gudoomiyaha baarlamaanka dalkaas Baleka Mbete ayaa isku deyday inay rabshada la tacaasho, balse way awoodi waysay iney joojiso buuqa iyo qalaalasaha.

Ms Mbete waxay ku tiri xildhibaanada buuqayay: "Waan idiin dulqaadanay, waxaan isku deynay inaan fursad idiinsiino si aad u muujisaa aragtidiina, balse waad xad gudubteen."

Hase ahaatee Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa u loogu jawaabay "Anshaxaaga wuu xun yahay. Waxaa tahay qof aan dhameystirneyn, oo degdegaaya, dhexdhexaadna ma ahid".

Ciidamada amniga ayaa gudaha looga yeeray, ka dibna mucaaradka ayey xoog uga saareen kullankii Baarlamaanka.

Jacob Zuma ayaa ka careysiiyay qaar ka mid ah xildhibaanada ka dib markuu amray in 440 askeri la geeyo dhismaha baarlamaanka ka hor intuusan gaarin oo uusan billaabin khudbada, iyadoo Mucaaradka ay tallaabadaasi ku tilmaamay shaacin dagaal.