WARBIXIN: Kabtanka Real Madrid Ee Sergio Ramos Oo Kooxdiisa U Safanaya Kulankiisii 500-Aad Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogtiisa Los Blancos.

0
Saturday February 11, 2017 - 11:15:11 in by Burco Office
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Kabtanka Real Madrid Ee Sergio Ramos Oo Kooxdiisa U Safanaya Kulankiisii 500-Aad Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogtiisa Los Blancos.

    Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayuu kulanka Osasuna u noqon doonaa kulan khaas ah wuxuuna isku diyaarinayaa in uu Los Blancos u safto kulankiisii 500 aad ee waayihiisa Madrid. Real Madrid ayaa Ramos la soo wareegtay sanadkii 2005 kii mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayuu kulanka Osasuna u noqon doonaa kulan khaas ah wuxuuna isku diyaarinayaa in uu Los Blancos u safto kulankiisii 500 aad ee waayihiisa Madrid. Real Madrid ayaa Ramos la soo wareegtay sanadkii 2005 kii markaas oo ay ka soo bixisay 27 milyan oo

euros waxayna ahayd lacag rekoodh ku ahayd suuqa kala iibsiga La Ligaha ee ciyaartoyda da’yarta ah, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Sevilla.

Tan iyo markaa wixii ka danbeeyay waxa uu Ramos soo qaatay waayo ciyaareed oo cajiib ah isaga oo ka mid noqday ciyaartoyda lagu xusuusan doono taariikhda Madrid. Sergio Ramos ayaa caan ku noqday in uu dhaliyo gool wadno xanuun ah ee dhamaadka kulamada kooxdiisa, wuxuuna waqtiyo badan Los Blancos ka soo saaray xaalad murugo badan ku noqon lahayd.

Ramos celebrates his 500th game for Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa goolkiisii ugu horeeyay Real Madrid u dhaliyay kulankii Champions Leaque-ga eeOlympiacos wuxuuna ahaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Madrid laakiin Los Blancos ayaa kulankaas guuldaro 2:1 ah kala soo laabtay kooxdaOlympiacos balse tan iyo goolkaas wixii ka danbeeyay Ramos ayaa Madrid u saxiixay 66 gool, wuxuuna sidoo kale sameeyay 35 gool caawineed taas oo la micno ah in uu ku lug laha 101 gool oo ay Real Madrid soo dhalisay.

Laakiin Sergio Ramos ayaa rekoodh xun ku haysta kaadhadhka uu soo qaatay waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid waxaana soo taagay 194 kaadh oo iskugu jira digniin iyo casaan. Wuxuu soo qaatay 173 kaadh oo digniin ah iyo waliba 21 kaadh casaan.

 

Haddii aan eegno koobabkii uu Sergio Ramos kula soo guulaystay kooxdiisa Real Madrid ayuu ka mid yahay xidiga ugu koobabka badan kooxda hadda ee Real Madrid. Ramos oo Real Madrid u soo saftay 499 kulan isla markaana isha ku haya kulankiisii 500 aad ayaa waayihiisa ciyaareed ku soo guulaystay laba koob oo Champions Leaque-ga ah, saddex koob oo La Ligaha ah, laba koob oo Copa Del Rey ah, Laba koob oo Spanish Super Cupka ah iyo laba koob oo Club World Cupka ah.

Dhinaca kale Sergio Ramos ayaa Real Madrid ku qaadanaya xili ciyaareedkiisii 12 aad wuxuuna haddaba xili ciyaareedkan soo dhaliyay 8 gool oo kooxdiisa aad muhiim ugu ahaa isaga oo soo saftay 21 kulan.xili ciyaareedyadii 2001/12 iyo 2013/14 ayaa ah xili ciyaareedyadii uu kulamaa ugu badan ka soo muuqday Madrid isaga oo min 51 kulan u soo ciyaaray laakiin inkasta oo aanu wali xili ciyaareedkani dhawayn waxa uu haddaba dhaliyay goolashii abid ugu badnaa ee uu hal xili ciyaareed ka soo dhaliyay Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos ayaa wali haysta waqti badan oo uu heerka ugu sareeya uga sii ciyaari karokooxdiisa Real Madrid ee uu hogaamiyaha dhabta ah u yahay. Wuxuuna Ramos soo cadeeyay sida uu u yahay geeska Madrid marka ay xaaladu ku xumaato.