Hordhac: Liverpool Vs Tottenham- Klopp & Wiilashiisa Reds Oo Wali Raadinaya Guushoodii Ugu Horaysay Ee 2017 Iyo Kulanka Spurs Oo Xili Ciyaareedkan Reds Go'aamin Kara.

0
Saturday February 11, 2017 - 11:18:55 in by Burco Office
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool Vs Tottenham- Klopp & Wiilashiisa Reds Oo Wali Raadinaya Guushoodii Ugu Horaysay Ee 2017 Iyo Kulanka Spurs Oo Xili Ciyaareedkan Reds Go'aamin Kara.

    Liverpool ayaa si lama filaan ah ku noqotay koox ay ku adag tahay in ay guul ku gaadho garoonkeeda Anfield tan iyo markii uu bilawday sanadkan cusub ee 2017, waxayna Reds wali raadinaysaa guusheedii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga oo ay gaadho sana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa si lama filaan ah ku noqotay koox ay ku adag tahay in ay guul ku gaadho garoonkeeda Anfield tan iyo markii uu bilawday sanadkan cusub ee 2017, waxayna Reds wali raadinaysaa guusheedii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga oo ay gaadho sanadkan cusub kadib markii ay

guuldarooyin iyo barbaro niyadjab leh soo gashay. Klopp ayaa ilaa hadda raadinaya xalkii uu dib ugu soo noolayn lahaa rajada kooxdiisa ee xili ciyaareedkan waxayna ka soo dhaceen min kaalinta kowaad ilaa kaalinta shanaad iyaga oo waliba hal dhibic oo kaliya ka sareeya kooxda kaalinta lixaad ka soo baxsanaysa ee Man Untied.

Tottenham ayaa Anfield iskeenaysa iyada oo kalsooni wayn qabta isla markaana doonaysa in ay kaalinta labaad ee premier leaque-ga sii adkaysato. Waxaan guul ahayn oo ay Liverpool kala kulanto Spurs ayaa musiibo kale oo wayn ku sii noqon doonta Reds oo hadda hamigeeda ugu wayni yahay sidii ay Champions Leaque-ga ugu soo bixi lahyad ee ay afarta kaalmood ee sare ugu dhamaysan lahayd.

XOGTA KULANKA:

TARTANKA: Premier Leaque-ga kulankiisa 25 aad

KULANKA: Liverpool Vs Tottenham

GAROONKA:Anfield

WAQTIGA: 8:30 HabeenimoEe Saacada Geeska Afrika

GARSOORAHA:Anthony Taylor

Liverpool ayaa 68 kulan oo Premier leaque-ga ah guul ka soo gaadhay kooxda martida u ah ee Tottenham halka Spurs ay 41 kulan gacanta sare ka soo yeesheen Reds iyada oo 38 kulan ay barbaro ku dhamaadeen waxaana ka mid ahaa kulankii qaybtii hore ee xili ciyaareedkan labada kooxood ku soo dhex maray White Hart Lane. Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Tottenham sideedii kulan ee ugu danbeeyay waxayna ahayd markii ugu danbaysay ee ay sagaal kulan oo guuldaro la’aan ah ka heshay TottenhamMarch 1998 kii.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Klopp ayaa markale ay dhibaato ka haysataa difaaca kooxdiisa waxaana kulankii Hull City seegay Dejan Lovren kaas oo markale uu shaki wayni ku jiro in uu taam unoqon karo kulanka Tottenham.Ragnar Klavan ayaa isna xanuun ku seegay kulankii Hull City isaga oo lix maalmood sariirta yaalay wuxuuna markale shaki wayni ku jiraa haddii uu qayb ka noqon karo kooxda Reds ee Anfield ku wajahaysa Tottenham.

Liverpool's defence could be without Dejan Lovren against Spurs due to a knee injury

Dhinaca kale Klopp ayaa xaqiijiyay in Adam Lallana uu labadii maalmood ee ugu danbeeyay seegay tababarka kooxdiisa wuxuuna la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah. Waxa kale oo Liverpool ka maqanGrujic , Ejaria iyo Danny Ings oo inta xili ciyaareedkan ka hadhay seegaya.

LIISKA LIVERPOOL EE KULANKA TOTTENHAM:Mignolet, Clyne, Lucas, Matip, Milner, Henderson, Wijnaldum, Lallana, Mane, Firmino, Coutinho, Karius, Alexander-Arnold, Gomez, Moreno, Can, Sturridge, Origi.

Dhinaca Tottenham waxaa kulankan Anfield ka maqnaan doona difaacyadaDanny Rose iyo Jan Vertonghen waxaana la filayaa in booskooda ay ka sii ciyaari doonaan Ben Davies iyo Eric Die. Waxa kale oo Spurs ka sii maqnaan doonaErik Lamela balse waxaa kulankan Reds diyaar u ah Kieran Trippier.

Danny Rose remains out for Tottenham Hotspur's trip to Liverpool with an injured knee

LIISKA TOTTENHAM EE KULAKA LIVERPOOL:Lloris, Vorm, Lopez, Davies, Alderweireld, Dier, Carter-Vickers, Wimmer, Walker, Trippier, Wanyama, Winks, Dembele, Eriksen, Alli, Sissoko, Onomah, Son, Janssen, Kane.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

KAYDKA MACQUULKA AH EE LIVERPOOL:Mignolet, Manninger, Sturridge, Can, Origi, Klavan, Moreno, Lucas, Stewart, Randall, Gomez, Wilson, Alexander-Arnold, Woodburn, Ojo

KAYKA MACQUULKA AH EE TOTTENHAM:Vorm, López, Trippier, Carter-Vickers, Wimmer, Winks, Onomah, Sissoko, Janssen