Alvaro Morata Oo La Filaayo In Uu Real Madrid Iskaga Tago Iyada Oo Mugdi Wayni Sii Galay Mustaqbalkiisa Iyo Heshiis Kordhinta Benzema Oo Fursad U Noqnaysa Chelsea.

0
Saturday February 11, 2017 - 11:22:35 in by Burco Office
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alvaro Morata Oo La Filaayo In Uu Real Madrid Iskaga Tago Iyada Oo Mugdi Wayni Sii Galay Mustaqbalkiisa Iyo Heshiis Kordhinta Benzema Oo Fursad U Noqnaysa Chelsea.

    Mustaqbalka Alavaro Morata ayuu mugdi wayni sii galay kadib markii uu soo baxay in Real Madrid ay heshiis cusub ka saxiixanayso gool dhaliyaha reer France ee Karim Benzema

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mustaqbalka Alavaro Morata ayuu mugdi wayni sii galay kadib markii uu soo baxay in Real Madrid ay heshiis cusub ka saxiixanayso gool dhaliyaha reer France ee Karim Benzema

kaas oo Alavaro Morata u diiday in uu ka soo muuqdo shaxda Zinedine Zidane. Morata ayaa tan iyo xagaagii la soo dhaafay bartilmaameed u ahaa Chelsea, wuxuuna haddaba saxaabadiisa u sheegay in uu xagaaga ka baxi doono Santiago Bernabeu oo uu arko in aanu ka helin waqtigii uu doonayay in uu ku ciyaaro.

Real Madrid ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay Juventus dib ugala soo wareegtay Morata oo qaab ciyaareed fiican ku soo muujiyay Turin, laakiin balanqaadii uu Zidane ka helay ayaan noqon sidii uu doonayay iyada oo macalinka ree France ee Zidane uu inta badan safka weerarkiisa u soo xulanayay Karim Benzema oo ka garab ciyaarayay Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale intii aanu dhaawacmin halka markii danbe uu Lucas Vazguez ka doortay Morata.

 

Sida uu qoray wargayska AS ee Madrid ka soo baxa isla markaana uu daabacay The Sun oo England ka soo baxa, mustaqbalka Alavaro Morata ee Real Madrid ayaa noqday mid uu mugdi wayni sii galay iyada oo Chelsea ay sare u qaadayso sidii ay ku soo xero galin lahayd Morata waxayna ka faa’iidaysanaysaa in Karin Benzema uu saxiixi doono heshiis Bernabeu ku sii hayn doona ilaa marka 34 sano jirka yahay.

Morata ayaa xili ciyaareedkan Real Madrid ka soo muuqday 14 kulan oo horyaalka La ligaha ah isaga oo waliba kulamada ugu badan kaydka ka soo baxay, wuxuuna doonayaa in uu Stamford Bridge kula midoobo tababarihii Juventus ee Antonio Conte oo hadda waayo fiican ku qadanaya kooxda Blues.

Si kastaba ha ahaatee, heshiis kordhinta Karim Benzema, farxad la’aanta uu haddaba ku jiro Alvaro Morata iyo xiisaha Chelsea ee xidiga ree Spain ayaa markale soo afjari karta waqtigii labaad ee uu Morata ku soo qaatay Bernabeu oo uu xagaagii la soo dhaafay dib ugu laabtay.