"Madaxweynihii Aynu Dooranay Ummadda Lama Hadal, Warqad Aanu Qorin Ayuu Akhriyay Somaliland-na Waa Lagu Soo Duulay".Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde

0
Monday February 13, 2017 - 10:21:37 in by salman abdi
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynihii Aynu Dooranay Ummadda Lama Hadal, Warqad Aanu Qorin Ayuu Akhriyay Somaliland-na Waa Lagu Soo Duulay".Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde

    Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo kamid ah Xildhibaanada ugu waayo aragsan Golayasha,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo kamid ah Xildhibaanada ugu waayo aragsan Golayasha,

 ayaa sharci darro ku tilmaamay fadhigii labada gole wadajirka u fadhiisteen maanta, isagoo sheegay in aan Heshiis la horgayn balse warqado af-Somali ku qoran oo aan cidina kala saxeexan la horgeeyay.

IMG_193682-25B9D7-0D7A05-229008-5FCF75-944FC2

Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde oo ku sugan dalka Sweden oo la hadlaayay shabakada wararka ee Somalilandtoday wuxuu yidhi.

"Madaxweynihii aynu dooranay ummadda lamuu hadal, umuu sharxin waxaynu dhaafsiisanayno saldhig ciidan oo 70-KM dhul ah oo aanay xukumin Dawladeenu, oo aanu Madaxweynuhu gali karin,  lagu wareejinaayo waddan kale, warqad laga yaabo in aanu qorin ayuu akhriyay, waa ayaan darro weyn. Ciidan ninkii yaqaan ayaa yaqaana, gobolku ammaan maha Dawladda Imaraadku dagaal ayay ku jirtaa wixii cadaw ay leedahay innagana way inala coloobayaan. Ummad wax soo saarata ma nihin, haddii miinada badda oo khatar ah la dhigo baabal mandab ummadeena way inoo dhammaatay. Waxan arkaayay Wasiirka Madaxtooyada oo leh Xuutiyiinta ka biqimayno waxan leeyahay Soomaalidu waxay tidhaahda "Qudhaanjana Qoodhe Qaniinte” waxba lama yaraysto dawlad iska caabiyi karta shi-sheeye ma nihin”.

Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi”.Heshiis Golayaasha lama keenin, kii hore ee DP World na sidaa ayuu aha, anigu waxan leeyahay intaas kuma koobna ma dha dhawa, wax kale oo qarsoon ayaa ku hoosjira. Ummadda waxan ugu baqaaya inay fadhiga ka kacaan inay Xisbiga WADDANI iyo Mucaaridka is barbar is tagaan”. Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde.