"Dekedda Berbera Isticmaalkeeda Waa Inaanu Ammaan Ku Helno" Itoobiya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera.

0
Monday February 13, 2017 - 10:29:10 in by Burco Office
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dekedda Berbera Isticmaalkeeda Waa Inaanu Ammaan Ku Helno" Itoobiya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Saldhiga Imaaraadka ee Berbera.

    Hargeysa(AFKA)Brig Gen Amb. Berhe Tesfay, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland leedahay go'aanka bixinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Brig Gen Amb. Berhe Tesfay, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland leedahay go'aanka bixinta

saldhiga Milateri, balse ahayn mid khuseeya Itoobiya, isla markaana yihiin cadowga Somaliland & Itoobiya, dadka faafiyey in safaaradooda Hargeysa la xidhay, wararkaasina waxba ka jirin xafiiskooduna furnaan doono weligii.

Amb. Berhe oo weriye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan warg DAWAN, wax ka weydiiyey warar lagu sheegay in safaarada Itoobiya la xidhay, ka dib ansixintii heshiis loogu ogolaanayo saldhiga Imaaraadka ku yeesho Somaliland ayuu ku jawaabay,

"Wararkaasi waxba kama jiraan, waana kuwa cadowga Itoobiya iyo Somaliland faafiyaan. Xafiiska Itoobiya wuu furnaan doonaa weligii.

Amb. Berhe Tesfay oo la weydiiyey mowqifka xukuumadiisa ee saldhiga Imaaraadku ku yeelanayo Somaliland ayaa yidhi,

"Arrinkaa go’aankeeda waxa leh xukuumada Somaliland, mana khuseeyo Itoobiya. Muhiimada isticmaalka dekeda Berbera ee Itoobiya waa inaan amaan ku helo, taasina waa waajib saaran xukuumada Somaliland”.