Abwaan Weedhsame Oo Maanso Qiimo Badan Ku Cabiray Go'aankii Xildhibaannada Labada Golle Ku Ansixiyeen Saldhigga Millatari Ee Berbera.

0
Monday February 13, 2017 - 10:31:06 in by Burco Office
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Weedhsame Oo Maanso Qiimo Badan Ku Cabiray Go'aankii Xildhibaannada Labada Golle Ku Ansixiyeen Saldhigga Millatari Ee Berbera.

    AbwaanXasan Daahir Ismaaciil "Weedhsame" ayaa maanso ku cabirayqaabkii ay shalay xildhibaannada labada golle baarlamaan ugu coddeeyeen saldhigga millatari ee ay xukuumadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AbwaanXasan Daahir Ismaaciil "Weedhsame" ayaa maanso ku cabirayqaabkii ay shalay xildhibaannada labada golle baarlamaan ugu coddeeyeen saldhigga millatari ee ay xukuumadda Somaliland

Imaaraadka Carabta ka siinayso Magaalada Berbera.


Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo sharaxaya sida ugu xun yahay wixii shalay ka dhacday gollaha ayaa maanso ku yidhi sida tan:

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa

Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow

Ma mahadin hortaa jire.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Munkar iyo nakiiriyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhoow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntii ad marisaa

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac dhawristiiyo

Dhaqankii masuulnimo

Xil kaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow,

Xasan Daahir Ismaaciil "Weedhsame”