Dawlada Immaradka Carabta Oo Indhaha Caalamka Kusoo Jeediyay Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Si Buuxdana U Aqoonsatay Jiritaanka iyo Bassaborka Somaliland (Warbixin)….

0
Monday February 13, 2017 - 13:25:00 in by Burco Office
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Immaradka Carabta Oo Indhaha Caalamka Kusoo Jeediyay Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Si Buuxdana U Aqoonsatay Jiritaanka iyo Bassaborka Somaliland (Warbixin)….

    Dawlada Imaradka Carabta ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigatay dalka ay ugu maalgashiga badan tahay Guud ahaan dalalka ku yaala geeska afrika labadii sano ee u danbeeyay ,iyadoo noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee somaliland ku qarash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Imaradka Carabta ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigatay dalka ay ugu maalgashiga badan tahay Guud ahaan dalalka ku yaala geeska afrika labadii sano ee u danbeeyay ,iyadoo noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee somaliland ku qarash

gareeya ku dhawaad 1 Bilyan oo dollar oo lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland sida wadooyinka, Madaarada iyo Dekedaha .

Dawlada imaradka carabta ayaa ku dhawaad 500 milyan ku qarash garaynaysa casriayaynta iyo balaadhinta dekeda Berbera ee hada ay maamusho shirkad laga leeyahay dalkaasi oo lagu magacaabo Dubai ports world.

Dawlada imaradka Carabta ayaa iyaduna maalmihii u danbeeyay sheegatay inay lacag xadigeedu badan yahay ku kiraysanayso Madaarka magaalada Berbera si ay u isticmaalaan ciidamadeeda cirku .

Dawlada imaradka carabata ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay dunida carbeed ee aqoonsada baasaaboorka ay gaarka u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland,ma jiro dal ka tirasan dawladaha carbeed iyo kuwa reer galbeedka oo aqoonsan baasaaboorka iyo jiritaanka Somaliland marka laga reebo dawlada immartadka carabta oo si buuxada u aqoonsan baasaaboorka JSL,hadii uu dal aqoonsado baasaaboorkaaga iyo safaarada aad ku leedahay dalkiisa waa fariin cad oo uu kaga turjumaayo sida uu kuugu aqoonsan yahay dal kamida kuwa dunida oo la siman.

Dawlada imaradka Carabtu waxay ay diyaaradeeda casriga ah ee Fly Dubai u ogolaatay duulimaadyo ay ka bilawdo madaarada Somaliland gaar ahaan madaarka Caasimada Hargaysa oo ka dhigtay maadarka Hargaysa mid la aamino amaankiisa iyo adeegyadiisa casriga ahba taas oo faa’ido aan hore loo arkin kasoo baxday shirkadaasi casriga ah.

Jamhuuriyada Somaliland oo aad ula cakiran soo saarista qayraadka dihin ee somaliland ku jira sida Saliida caydhin, shiidaalka ,iyo dhuxul dhagaxda ayuu immaradku noqon karaa dalka damaanad qaada in Somaliland si rasmi ah ula soo baxdo khayraadkeeda sidaasana ay Somaliland shidaal qodis rasmi ah ay uga bilaabaan shirkadaha Shiidaalka dunida kasoo saara sida shirkada caanka ah ee Britsh Betroulam ee dalka ingiriiska oo Somaliland ka codasatay damiin.

Dawlada Imaradka ayaa haatan u muuqata saaxiibka ugu wayn ee ay Somaliland ku leedahay dalalaka awooda dhaqale haysta ee caalamka ,sido kalana Immardku waxa uu Somaliland ka dhigatay saaxiibka kaliga ah ee ay ka haysto Qaarada Afrika guud ahaanba.….