"Maanta Taariikhdu Hal Shay Ayey Daaha Ka Rogtay; In Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan Kala Waddanisan yihiin"Aqoonyahan Mohamed Hagi.

0
Monday February 13, 2017 - 13:33:59 in by Burco Office
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maanta Taariikhdu Hal Shay Ayey Daaha Ka Rogtay; In Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan Kala Waddanisan yihiin"Aqoonyahan Mohamed Hagi.

    Maxamuud Xaashi waxa uu ku sifoobay maanta bahal, aan arxamayn oo ciddii uu wax ka helayo la gacan-togaalaynaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Xaashi waxa uu ku sifoobay maanta bahal, aan arxamayn oo ciddii uu wax ka helayo la gacan-togaalaynaya.

Shidanaaba shidan, dad iyo dal toona taydaan ka raacay ayuu warkiisii ku soo idlaaday. Waa kaa maanta Baashe ku martay ee la shaqaysanaya.


Xirsi se waxa uu ahaa haddana yahay nin aan marnaba damiir xumayn. Waxa aan markhaati ka ahay in yarkaa soddoga loo yahay ay isku dhaceen judhiiba. Xirsi waxa kaliya oo seegtay in uu qunyar socde noqdo, oo uu ka dhawrsado in uu xisbigiisa dagaal kala hor yimaado.

Intaa kaliya ayaa karkaarka waydaarisay. Maantana ciil iyo cadho toona ma joogo, waa kaa xisbiyahanka noqday ee Waddani ilaa Cirro ka miisaan batay. Waxa aan hubaa, waa loo wada joogi e, in uu mustaqbal siyaasi ah yeelan doono halka Inna Xaashi maanta haadaanta ku dhacay.

Muxuu yidhi Gaariye AHUN:-

Shalay daallinkaan riday, dal baabu xukumayee,

qaar daaqi xoolaha, dekeddiyo madaarkii

iyo dawladnimadii, sarriftaa ka daba yimi (Gaariye, dabataxan, 1997).

Alle illahe maanta ayey si dhab ah u taagan tahay!!!

Wax kale oo dhammi dhammaade, in Xamar xaqul-qalin qadiyadda gooni-isu-taaga laga ga gado ayaa dhiman kaliya! Taa qaar ku dhiiranayaa jira.

Mohamed Hagi Mohamoud