Siyaasi Buubaa oo Somaliya inay Xasilooni hesho shuruud uga dhigay Midho dhalka wadahadalada Somaliland iyo somaliya kana hadlay saldhiga milleteri ee imaratka

0
Tuesday February 14, 2017 - 11:17:18 in by Burco Office
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Buubaa oo Somaliya inay Xasilooni hesho shuruud uga dhigay Midho dhalka wadahadalada Somaliland iyo somaliya kana hadlay saldhiga milleteri ee imaratka

    Siyaasi Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa,ayaa six eel dheer uga hadlay go'aankii ay labada gole baarlamaan ee Somaliland ku ansixiyeen in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa,ayaa six eel dheer uga hadlay go'aankii ay labada gole baarlamaan ee Somaliland ku ansixiyeen in

 Saldhig Millatari ay Berbera ka samaysato dawladda Imaaraadka Carabtu oo Xukuumadda Somaliland ay heshiis kula gasho.

Waxaanu Siyaasi Ismaaciil Buubaa sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo loo soo bandhigay labada gole baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland oo ay ansixiyeen laakiin waxaa uu ku tilmaamay in ay u codeeyeen wax male awaal ah oo aan jirin isla markaana aan la garanayn wax ka iman doona iyo nooca heshiiskaasi uu noqon doono.

Waxaa kale oo uu ka hadlay  doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo sida loo soo dhaweeyay iyo waxyaabaha hor yaalla  ee shaqada adag uga baahan .

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com.

Ugu horrayn Siyaasi Ismaaciil oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay go’aankii shalay labada gole baarlamaan ee Somaliland ay ku meel mariyeen heshiiska saldhigga Millatari ee  Dawladda Imaaraadka Carabta ee Somaliland ay ku siinayso saldhigga  Millatari ee Berbera,ayaa yidhi. "Horta wax heshiis ah oo shalay loo codeeyay muu jirin wax la ansixiyayna ma jiro wax la soo hor dhigay goleyaashana muujirin laakiin waxay ahayd dimuquraadyaddii Somaliland oo la cabudhiyay iyo goleyaashii sharci dejinta oo awood ciidan loo adeegsaday iyo male awaal loogu sheekeeyay xildhibaanada  loona diiday in ay aragtidooda ka dhiibtaan,markaa waxaasi waxay meel ka dhac ku tahay qaranimada Somaliland iyo dawladnimadaba waxaanan rejaynayaa in Madaxwweynuhu waxan uu dib uga noqon doono oo uu garawsan doono in ay Somaliland ceeb ku tahay   in wax aan jirin la yidhaahdo hala ansixiyo waayo? Waxay ahayd gubadkaan gubi doono ii ansixiya dunidana lama arag baarlamaan ansixiya heshiis aan wali la galin oo soo socda oo aan la garanayn waxa lagu heshiiyay  iyo qodobadiisa,yaa  garan kara waxa lagu qori doono waraaqda cad ee la yidhi waa la ansixiyay.”

Prof: Ismaaciil oo wali hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray isagoo faah faahinaya qaabka heshiisyada caalamiga ah loo galo iyo marka goleyaasha sharci dejinta la hor keeni karo. "Heshiis caalmi ahi waxaa weeyaan wax la wada galay oo  labada dhinac ay kala saxeexdeen oo qodobaysan oo la isla qaatay markay intaasi dhacdo ayaa la hor keeni karaa goleyaasha sharci dejinta oo laga doodi karaa qodobada  la kala qortay oo la Is waydiin karaa qodobadani dan ma inoo yihiin iyo maxay inagu keeni karaan laakiin heshiis aanu gali doono no ansixiya meel ay dunida ka dhacday lama arag waxaanay sharaf dhac ku tahay Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ee beenta laga sheegayo ee heshiis aan wali lala galin la yidhi waanu wada galnay, ka waran haddii loo saxeexo dawladda Imaaraadka waxaanu ka iibinay Somaliland  oo dhan yaa ka masuul ah ilayn waraaq cad ayuu sitaa oo loo ansixiyay a,waxaan leeyahay Somaliland beenta  iyo male awaalkii shalay dhacay yaan lagu sirin wax heshiis ah oo la soo bandhigay iyo wax la ansixiyay midna ma jirto markaa waxaa loo baahan yahay in marka heshiis la arko laga wada hadlo imikase wixii laga hadlaaba waa been abuur iyo male awaal aan jirin oo la isku jujuubayo,Waxaanay ila tahay in Madaxweynuhuna uu garawsan doono xaqiiqadu siday tahay oo uu dib uga noqon doono male awaalka aan jirin ee ceebta ku ah qaranka Somaliland ee  uu Madaxweynaha u yahay iyo dawladda  la leeyahay heshiis ayaa lala galayba ilayn wax heshiis ah oo la galay ma jiro e.”

Ismaaciil Buubaa oo la waydiiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay yeelatay iyo sida uu ku helay taareeda Soomaalida dibad iyo gudaba ka soo dhawaysay ayaa ku jawaabay. "Horta waxa ugu way nee uu taageerada ku helay waxay ahayd wixii uu qabtay mudadii koobnayd ee uu Raysal-wasaaraha ahaa oo ahaa wax muuqday oo lagu soo dhawayn karo iyo dadka oo u  baahnaa is bedel iyo weji cusub oo Soomaaliya yimaadda iyo Xasan Sheekh oo waxyaabo badan oo laga filayay aan qaban iyo dalkii oo wali dagaaladii iyo xasilooni darradii ku jira,arrimahaas ayaa sabab u ahaa in la soo dhaweeyo guusha doorashadiisa laakiin hawl adag oo wayn ayaa hor taalla oo la eegi doono sida uu uga dabbaasho ee uu u maareeyo.”

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ka hadlayay IGAD iyo AMISOM iyo wakiilada caalamka sida ay u wada shaqayn karayaan,ayaa yidhi. "Horta waxa lagu soo dhaweeyayba waa in uu is bedel keeno iyo in uu talada Soomaaliya gacanta dawladda soo galiyo oo aanay cid kale dibedda ka maamulin laakiin taasina waxay uga baahan tahay sida uu u hawl galo ee uu u waajaho waxaa kale oo ay ku xidhan tahay Raysal-wasaaraha uu magacaabo iyo xukuumadda la soo dhisaa sida ay  shaqada u bilaabaan markaa waxyaabahaasi waa wax la  eegi doono wakhtiyada soo socda iyo tallaabooyinka uu qaado.”

Ismaaciil Buubaa oo la waydiiyay Somaliland iyo Soomaaliya wada ahdalkii u socday iyo waxyaabaha laga filan karo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,ayaa yidhi. "Horta waxaan ka rejaynaynaa in uu sida ugu wanaagsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya u socday uu u sii amba qaado waxaanan aaminsanahay in aanay Soomaaliya degayn oo aanay xasilooni helayn illaa ay Somaliland iyo Soomaaliya heshiis dhab ah wada gaadhaan oo xaqiiqo ah oo ay noqdaan laba dal oo is aqoonsan oo dersi wanaag iyo walaalnimo ay ka dhaxayso sababtoo ah Soomaaliya qalalaasaha kama baxayso illaa ay arrimaheeda iyo taladeeda ku koobto Soomaaliya oo ay iska ilawdo in ay wakhti iskaga lumiso Somaliland kol haddii ay guul darraysatay midnimadii lixdankii oo caddaalad darro iyo dhibaatooyin aan laga soo waaqsanin ay ka dhasheen waa in ay labada dawladlood mid kastaaba gaarkeeda aayaheeda uga tashadaa oo ay daris wanaagsan oo walaalo ah ay ahaadaan laakiin in Soomaaliya ay ku doodayso in ay Somaliland iyaga  ka mid tahay qalalaasaha kama baxayaan sababtoo ah juhdigii iyo fikirkii  ay Soomaaliya galin lahaayeen ayaa cidla kaga baxaya taana waa in ay gartaan Madaxda Soomaaliya.”ayuu yidhi Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa