War-Deg-Deg Ah: Laba Abwaan oo ka mid ah Abwaanada Dhalinyarada ah ee Gobalka Togdheer Oo Hambalyo Diray Farmaajo Ciidamada Boolis Xabsiga Dhigeen

0
Tuesday February 14, 2017 - 14:42:32 in by Burco Office
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Deg-Deg Ah: Laba Abwaan oo ka mid ah Abwaanada Dhalinyarada ah ee Gobalka Togdheer Oo Hambalyo Diray Farmaajo Ciidamada Boolis Xabsiga Dhigeen

    Burco(AFKA):- Laba Abwaan oo ka mid ah abwaanada da,da yar ee Gobalka Tog-dheer ayaa midkood Goor dhawayd Xabsiga la dhigay Midna Ciidanka Somaliland ku daba jiraan Soo qabashadiisa, ka dib markii ay hambalyo u direen Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA):- Laba Abwaan oo ka mid ah abwaanada da,da yar ee Gobalka Tog-dheer ayaa midkood Goor dhawayd Xabsiga la dhigay Midna Ciidanka Somaliland ku daba jiraan Soo qabashadiisa, ka dib markii ay hambalyo u direen Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Labadan Abwaan oo lagu kalamagacaabo Abwaan Maxamed Galaydh iyo Abwaan Cali Dhanaaneeye ayaa maalmihii la soo dhaafay Duubay muuqaal kooban oo ay hambalyo iyo bogaadin ugu dirayaan madaxwayne Farmaajo iyaga oo Sheegay in Ay ku faraxsan yihiin in Farmaajo loo doortay Hogaaminta Dalka Somalia.

Labada Abwaan ayaa gabayo ku Cabiray Dareenkooda farxadeed waxan ay sheegeen in ay Rajayna in ay soo noqoto Haybadii Somalidu lahayd Iyo Nabadii waayo hore ay ku naaloon jirtay Somalidu.

Muuqaalkaasi markii uu ku Soo baxay qaybo ka mida warbaahinta waxa ay arintaasi aad uga cadhaysiisay Xukuumada Somaliland, waxan Maalmihii ugu danbeeyey Maamulka gobalka Togdheer ku hawlanaayeen Xadhiga Labadan Abwaan , kama danbaystiina waxa maanta gacanta lagu dhigay Abwaan Maxamed Galaydh oo ay Badhtamaha Magaalada Burco ka Qabteen Ciidanka Booliska Somaliland kuwaasi oo Utaxaabay Xabsiga, Halka ay wali ku raad joogaan Abwaan Cali Dhanaaneeye .

Halkan Ka Daawo Muuqaalkii Hambalyada ahaa ee Ay Udireen Madaxwaynaha Somalia iyo Qaabkuu u dhignaa.


Wixii Warar ah ee Ka Soo kordha kala Soco Halkan.