War Deg Deg:Dawlada Somaliya Oo Hada Si Adag Uga Hadashey Saldhig Military Ee Imaraadka Laga Siiyey Berbera Kuna Tilmaamtey ........

0
Tuesday February 14, 2017 - 15:08:49 in by Burco Office
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Dawlada Somaliya Oo Hada Si Adag Uga Hadashey Saldhig Military Ee Imaraadka Laga Siiyey Berbera Kuna Tilmaamtey ........

    Moqdisho (AFKA:- Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii ay meel mariyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ee ahaa in Imaaraadka carabta saldhig milateri ka sameystaan m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Moqdisho (AFKA:- Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii ay meel mariyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ee ahaa in Imaaraadka carabta saldhig milateri ka sameystaan magaalada Berbera. Image may contain: 1 person, suit and text Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid labo afle ah, isla markaana ay ka dambeeyeen saxiixiisa Mas'uuliyiin ka tirsna Somaliland iyo dowladda Federaalka, isla markaana ay iibsadeen dhulkooda. "Heshiiskan waa midi labo afle ah, mid waa musuq maasuq, shaqsiyaad Somaliland iyo dowladda Federaalka baa beecinayay dhulka la rabay oo heshiis la soo galay Imaaraadka, midna waa xadgudub qaran"ayuu yidhi Dr. Nuur Faarax oo la hadlayay Idaacada VOA. Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskan saldhiga milateri uu dhalay heshiiskii sanadkii hore lala galay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay Dekeda Berbera, isagoo xusay in qalad ka yimid heshiiskaas uu qeyb ka yahay qaladka hada dhacay. "Madax sare oo ka tirsan Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, wuxuuna runtii heshiiskan dhalay kan saldhiga ciidanka Imaaraadka Carabta lala galay ee ay ka furanayaan Berbera, waana mid xadgudub ku ah danta umadda"ayuu yidhi Hanti dhowrka Guud ee qaranka.