Xukuumadda Oo Bilawday Abaabulka Shakhsiyaad Waji Ku Macaash Ah Oo Soo Dhaweeya Saldhiga Millatari Ee Imaaraadka Ee Magaalada Berbera

0
Tuesday February 14, 2017 - 15:24:56 in by Burco Office
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Bilawday Abaabulka Shakhsiyaad Waji Ku Macaash Ah Oo Soo Dhaweeya Saldhiga Millatari Ee Imaaraadka Ee Magaalada Berbera

    Tan iyo markii ay xukuumaddu ka badheedhay inay saldhig Millatari siinayso dalka Imaaraadka carabta ayaa waxaa sidii caadiga ahayd soo badanayay dadka waji ku macaashka ah ee ka hadlaya arrinkan. Kadib markii ay labada gole baarlamaan qaab afduub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay xukuumaddu ka badheedhay inay saldhig Millatari siinayso dalka Imaaraadka carabta ayaa waxaa sidii caadiga ahayd soo badanayay dadka waji ku macaashka ah ee ka hadlaya arrinkan. Kadib markii ay labada gole baarlamaan qaab afduub ah u ansixiyeen heshiiskan saldhiga lagu siinayo imaaraadka ayaa waxaa iska soo daba dhacayay shakhsiyaad ay wasiirro ugu horeeyeen oo bilaabay inay hambalyeeyaan, waxaana isla galabnimadii telefishanada iyo warbaahinta Internet-ka lagu baahiyey odayaal cumaamado xidhan oo ka soo jeeda degmooyinka dalka kuwaaso sheegayay inay taageersan yihiin heshiiskan, iyagoo aan waxbaba u cuskan. Dhaqanka waji ku macaashka ayaa labadii sano ee u dambeeyey Somaliland ku soo badanayay waxaana dhaqanka horseed u ah xukuumadda KULMIYE oo marka mashruuc noocan oo kale ahi yimaado soo abaabusha odayaal ku hadla afka degmooyin iyo beelo laga yaabo inaanay metelinba. Geesta kale xubno wasiirro ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa bixiyey kharashaad waali ah si ay warbaahinta xorta ah uga dhaadhiciyaan in la baahiyo wararka waji ku macaashka ee abaabulan, waxaana jiray kulan uu wasiirka warfaafintu la yeeshay warbaahinta madaxa banaan habeenimadii Axadda, iyadoo ay xusid mudantahay in warbaahin tiro yari ku gacan saydhay dalabkii wasiir Caddaani ee ahaa in la baahiyo wararkaas taas bedelkeedana ay xukuumaddu siin doonto waxooga qadaadiic ah. Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday