War Deg Deg Ah:Dagaal Yahanada Xuutityiinta Oo Hanjawaab Balaadhan Hawada U Soo Mariyey Somaliland +Fariina Culusna U Diray Dawlada Somaliya

0
Tuesday February 14, 2017 - 16:30:47 in by Burco Office
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Dagaal Yahanada Xuutityiinta Oo Hanjawaab Balaadhan Hawada U Soo Mariyey Somaliland +Fariina Culusna U Diray Dawlada Somaliya

    Warsaxafadeed ay soo saareen Mucaaradka dalka Yemen gaar ahaan garabka Kooxda Xutuyiinta ee Shiicada ah Iyo Wasaaradda Arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxafadeed ay soo saareen Mucaaradka dalka Yemen gaar ahaan garabka Kooxda Xutuyiinta ee Shiicada ah Iyo Wasaaradda Arrimaha

Dibedda Dawladda Iiraan ayaa lagu sheegay inaan loo dul qaadan doonin saldhig ciidan mileteri oo ay Dawlada Imiraadka Carabtu ay ka sameysanayaan Magaalada Berbera oo ay ku tilmaameen in qorshihiisu yahay in dagaalkii Yemen loo raro Soomaaliya.

 

Waxaa shirkooda Jaraaiid ku sheegeen inaysan u dul qaadan doonin ayna talaabo muhiim ah qaadayaan oo ku saabsan dhinaca badda iyo Cirka maalinta ugu horeysa ee ay Ciidamo dawladda Imiraadku ka tirsan ay soo cago dhigtaan dalka Somaliland oo ay iysgu ku sheegeen waqooyiga Somaliya.

Xuutiyiinta iyo Iraan waxay digniin u direen Dawladda Soomaaliya,waxaana sheegeen inaysan u dulqaadan dooni daandaansiga dawladda Imiraadku ka bilowday gudaha Soomaaliya ee ku wajahan Dalka Yemen,waxaana ay sheegeen inaysan gacmaha ka laaban doonin ayna qaadi dooni Masuuliyadda Wixii ka dhasha dagaalada Imiraadku ku qaado dalka Yemen.

 

Ugu dambeyntii shalay Waxaa Golaha Barlamaanka iyo Guurtida shaaciyeen inay Ansixiyeen in saldhig mileteri ka sameysato dawladda imiraadku Magaalada Berbara iyaga oo aan eegin saamaynta dhibaato ee ka dhalan karta iyada oo laga wada warqabo inay Jabhada xuutiyiintu ku tiirsan yihiin Dawlada awooda badan ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan oo ay si wada jira u aaminsan yihiin Madhabta Shiicada, sidoo kale waxa ;aga warqabaa inay haystaan gantaalaha ridada dheer ee wax gumaada kuwaas oo laga yaabo inay kusoo garaacaan magaa;lo xeebeda Gobolka Saaxil hadii uu dhaboobo Saldhigaa Ciidan inay Dawladaha carabtu Berberra ka samaystaan.