Lamaane Arooskooda Uu Kaga Baxay 1 Dollar Oo Maalintii Jacaylka Adduunka Loo Dhigay Xaflad 35,000 Oo Dollar Lagu Bixiyay.

0
Wednesday February 15, 2017 - 14:24:28 in by Burco Office
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lamaane Arooskooda Uu Kaga Baxay 1 Dollar Oo Maalintii Jacaylka Adduunka Loo Dhigay Xaflad 35,000 Oo Dollar Lagu Bixiyay.

    Lamaane Kenyan ah oo kharashka arooskoodu ku kacay hal doollar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay mar kale maalinta Jacaylka Adduunka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lamaane Kenyan ah oo kharashka arooskoodu ku kacay hal doollar ayaa xalfad qaali ah loo dhigay mar kale maalinta Jacaylka Adduunka,

iyadoo ay hawshaas soo abaabuleen dad samofaleyaal ah.

_94646999_couple

In kharashka arooskooda ku kacay uu ahaa hal doolar ayaa aad caan u noqotay iyadoo baraha bulshada la iskula wadaagay dad badan oo Kenyan ahna ay sheegeen in ay caawin doonaan.

Arooskii koobaad ee Wilson iyo Ann Mutura waxay qabeen jiinis, funaanado iyo labo faraanti oo macdan ka samaysan.

Warbaahinta Kenya ayaase kharashka xaflada labaad ee arooskooda ku tilmaamay 35,000 oo doolar, taas oo ka dhacday magaalada Nairobi.

Wilson iyo Ann Mutura xalfadda arooskoodii koobaad lama keenin keek, ubaxyo, iyo waxyaabaha kale ee qurqurxinta loo adeegsado midnaImage captionWilson iyo Ann Mutura xalfadda arooskoodii koobaad lama keenin keek, ubaxyo, iyo waxyaabaha kale ee qurqurxinta loo adeegsado midna

Weriyaha BBC Peter Mwai oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in inkastoo ay si rasmi ah horay isu nikaaxsadeen haddana ay faraanti isu xireen markii ay socotay xafladdan loogu beegay maalinta Jacaylka.

Weriyuhu wuxuu sheegay in dadka Kenya-ka ah qaarkood ay su’aalo ka keeneen kharashka xalfadda iyaga oo Online adeegsanaya ayayna su’aal galiyeen sababta ay dadka soo abaabulay xafladan waxaas oo lacag ah ugu adeegsadeen badalkii ay wax kale ugu qaban lahaayeen kharasha intaas la eg.

Laakiin Aaltonen Jumba, oo ka tirsan shirkadda Slique Events Planner Ltd oo ka mid ah dadkii kaalinta wayn ku lahaa abaabulka xalfadan ayaa BBC-da u sheegay in dad badan oo Kenyan ah ay waxyaabo badan u qabteen lamaanaha oo xataa la siiyay beer casri ah iyo waxyaaabo badan oo kala qiimo ah ayna u baahnaayeen xalfaddan oo kale.