Wasiirki Hore Biyaha oo Siro Badan Badka Soo Dhigay Madaxweynahana ku Eedeeyey Eex iyo Caddaalad Darro

0
Wednesday February 15, 2017 - 15:29:55 in by Burco Office
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirki Hore Biyaha oo Siro Badan Badka Soo Dhigay Madaxweynahana ku Eedeeyey Eex iyo Caddaalad Darro

    Wasiirkii hore ee Biyaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Md. Xuseen Axmed Cabdille, ayaa bannaanka soo dhigay siro bulshada ka qarsoon oo ku saabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Biyaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo Md. Xuseen Axmed Cabdille, ayaa bannaanka soo dhigay siro bulshada ka qarsoon oo ku saabsan

 hannaanka loola macaamilo wasiirrada xukuumadda katirsan ee xilalka laga qaado, waxana uu dhaliilay qaabka uu madaxweynuhu u maro isku-shaandhaynta uu golihiisa wasiirrada ku sameeyo.

Xuseen Axmed Cabdille oo u warramay Telefishanka Star Tv, ayaa ugu horrayn si weyn uga cawday waddada loo maro isku shaandhaynta xukuumadda lagu sameeyo, waxana uu shaaciyey in xilka-qaadis kasta oo xubnaha golaha wasiirrada lagu sameeyaa tahay mid lagu si gaar ah loogu bar-tilmaameedsado xubnaha kasoo jeeda darafyada waddanka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"anigu markii aan wasiirka ahaa golaha wasiirradu waxa uu ahaa 46, maantana waxa la leeyahay ilaa 70-wasiir way yihiin, marba isku shaandhayn baa timaadda, isku shaandhayntuna waa inay wax beddeshaa, inta baddana isku shaadhayn kasta oo timaadda waxa ay seeftu ku dhacdaa wasiirrada kasoo jeeda darafyada Somaliland oo markii horeba aan xilal waaweyn haynin, isku shaandhayn kasta oo dhacdaba waxa ku jira wasiir laba ama saddex wasiir oo darafyada dalka kasoo jeedda.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wasiirrada kasoo jeeda beesha dhexe marka xilka laga qaado lasoo dhaweeyo oo xidhiidhka ay madaxtooyada la leeyihiin sii socdo, halka kuwa darafyadana aan cidiba xaalaynin,"wasiirrada darafyada kasoo jeeda marka bannaanka la dhigo ee shaqada laga qaado maalintaas ayaa xadhiga loo gooyaa, halka wasiirrada kale ee beesha dhexe kasoo jeedana marka shaqada laga qaado sidaas loolama dhaqmo,”ayuu yidhi Xuseen Axmed Cabdille.

Wasiirkii hore ee biyaha Xuseen Axmed Cabdille waxa sheegay in wasiirrada beesha kasoo jeeda ee golaha wasiirrada laga saaraa qaataan mushaharkooda, halka kuwa darafyadana laga jaro wixii ay xuquuq lahaayeen, isaga oo tilmaamay in xataa isaga sidaas lagu sameeyey oo gunnooyinkiisii laga jaray, waxana uu yidhi,"miyaanay caddaalad-darro ahayn marka laba wasiir oo midna beesha dhexe ka yimi midna darafyada ka yimi midna mushaharkiisii, gaadhigiisii iyo gunnodiisii loo daayo kii kalena la yidhaahdo suuqa gal, taasina caddaalad ma aha oo wax bay sii fogaynaysaa, aniga iyo rag kale oo baddana way ku dhacday.”

Waxa uu tilmaamay in wasiirrada beesha dhexe marka xilka laga qaado loo sameeyo xilal cusub si loogu sii wado mushaharka ay qaataan, kuwa darafyadana laga jaro wax kasta oo ay wasiirnimada ku helayeen,"Waxa jira wasiirro marka xilka laga qaado la yidhaahdo xil-suge oo mushaharkiisii iyo wixiisii uu qaato, waxana jira wasiirro marka xilka laga qaado aan la odhanin habartaa yey tahay, anigayna igu dhacday oo idiin caddaynaya”ayuu yidhi Xuseen Axmed Cabdille.