Weriyayaal iyagoo idaacad toos u tabinaya la toogtay

0
Wednesday February 15, 2017 - 15:38:06 in by Burco Office
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriyayaal iyagoo idaacad toos u tabinaya la toogtay

    Saddex nin ayaa la xiray kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica. Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex nin ayaa la xiray kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica. Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.


Muuqaalka ayaa muujinaya tabintii tooska aheyd oo ay soo dhexgashay rasaas iyo haween argagaxsan oo ku qeylinaya "Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday!"

Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay Talaadadii ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo.

Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soojeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.

Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soojeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.Lahaanshaha sawirkaEPA

Image captionQoyska iyo asxaabta oo u baroor diiqaya weriyayaasha la toogtay

Haweeney sidoo kale ku dhaawacantay weerrarka ayaa haatan qalliin lagu hayaa sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Ragga la xiray ayaanan weli lagu soo oogin wax dacwad ah, booliskuna waxa uu sheegay in aanay garanayn sababta keentay weerrarkan.

"Baaritaanadu waa ay bilowdeen oo waannu isku dayi doonnaa inta karaankayaga ah inaannu runta ka sal gaarno." Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dominica, Jean Rodriguez, ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Bishii Agoosto 2015, laba weriye oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu toogtay Virginia iyagoo si toos ah TV ugu warramaya.



Source: BBC Somali