Waddamo Itoobiya Iyo Kenya Oo Qayb Ka Noqday Damaca Lagu Doonaayo Maamulka Hawada Soomaaliya Lagu Wareejiyey .

0
Wednesday February 15, 2017 - 18:29:09 in by Burco Office
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddamo Itoobiya Iyo Kenya Oo Qayb Ka Noqday Damaca Lagu Doonaayo Maamulka Hawada Soomaaliya Lagu Wareejiyey .

    Maalmihii u dambeeyey waxaa soo xoogeysanayay hadal heynta Qorshe la doonayo in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo Dawlado Shisheeye, halka qorshu uu markii hore ahaa in dawladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii u dambeeyey waxaa soo xoogeysanayay hadal heynta Qorshe la doonayo in Maamulka Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo Dawlado Shisheeye, halka qorshu uu markii hore ahaa in dawladda

Soomaaliya lagu wareejiyo, qalabkii howshaa fududeyn lahaana la geeyay magaalada Muqdisho.


Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar, ayaa ka mid ah Dadka ka cabsi qaba in qorshaasi la saxeexo, iyada oo laga faa’iideysanayo xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto wakhtigan.

"Waxyaabaha walaaca gaarka ah abuuraya, waxaa ka mid ah; in ay jiraan dhawr waddan oo si wanaagsan ula socda Shaqaalaha Soomaalida ee Hawada maamula iyo qalabka ay isticmaaleen inaanay ahayn kuwo si fiican loo habeeyey ama looga shaqeeyey. Markaa, waxaa badatay Dacwooyin ka imanaya Diyaaradaha Soomaaliya kor mara oo ku saabsan is-maqal la’aanta iyo daciifnimada Raadyaha aan isticmaalno oo ah Raadyihii dawladdii Soomaaliya ay isticmaali jirtay ee Muqdisho laga qaaday 1991-kii, markaa waad qiyaasi kartaan Raadyo 25 sano gaadhayso da’diisu inay awooddiisu daciifayso.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiwaaxid oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA isaga oo ku sugan Muqdisho.

Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; "Taana waxa sii dheer in Raadyahaasi uu awal Muqdisho Diyaaradaha kala hadli jiray, markaa siday macquul ku noqonaysaa Diyaarad dulmaraysa Hargeysa ama Boosaaso ama Muqdisho iyaga oo Nairobi kala soo hadlaya inay u maqlaan sidii Diyaarad iyaga dul-taagan oo kale?”
"Waddamada soo bandhigay in fursaddaas la siiyo ee codsaday waxaa ka mid ah Hindiya, waxaa ka mid ah Itoobiya, waxaa ka mid ah Kenya, waxaa ka mid ah Siishalis, markaa waxay u badan yihiin waddamada Soomaaliya la jaar ah.

Goobta codsigaasi ka dhacay ama lagu soo bandhigay waxa weeye Caasimadda Mumbay ee Hindiya oo 19-kii Jeeniwari 2017 Shir ka dhacay Aniga iyo Xubno kale oo Soomaaliya ka socday aan ka qaybgalnay.” Sidaa ayuu yidhi Maareeyuhu.

Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar, waxa uu sheegay inay isaga iyo Xubnaha kale ee Wasaaradda Duulista Soomaaliya ka socday ee Shirkaa Hindiya lagu qabtay ka qaybgalay ay difaaceen, isla markaana halkaas ka sheegeen in Soomaaliya awood u leedahay inay maamusho hawadeeda, adeegyada looga baahan yahay ee dhinaca hagista Diyaaradahana ay cusboonaysiin iyo casriyeyn ku samayn doonto. Sidoo kalena waxa uu xusay inay shirkaa ka sheegeen inaanay marnaba suuragal ahayn in Hawada Soomaaliya ay dawlado kale maamulaan, taasoo uu tilmaamay inay ka mid tahay astaamaha madax-bannaanida dal iyo dawlad, haddii ay dawlad kale gacanta u gashana madax-bannaanidaasi meesha ka baxayso.

Waxa uu Maareeyuhu intaas ku daray inay jiraan Dad doonaya inay wakhtiga kala-guurka ah ee ay Soomaaliya hadda ku jirto ka faa’iidaystaan Dalabka dawladaha deriska u badan ka yimi ee ay ku doonayaan inay ku maamulaan Hawada Soomaaliya, kuwaasna ay dhaqdhaqaaqooda la socdaan si aanay taasi ugu suuragelin, waxaanu intaas ku ladhay in Hawada Soomaaliya Maamulkeeda lagu ogyahay wakhtigan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Hawada iyo Hay’ad kale oo kala shaqaysa arrimahaas, kuwaas oo wixii qaldamad ay dawladda Soomaaliya toos ugala xisaabtami doonto, immikana masuul ka ah caqabadaha cabashada diyaaradaha keenay ee dhinaca ismaqalka oo aanay Hantida hawada Soomaaliya ka soo baxda uga faa’iidaynin Qalab casri ah oo Diyaaradaha lagu hago.