Maxay Wargeysyada Waa Weyn Ee Yurub Ay Ka Yiraahdeen Gumaadkii PSG Ay U Geysatay Barcelona ?

0
Wednesday February 15, 2017 - 19:04:55 in by Burco Office
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Wargeysyada Waa Weyn Ee Yurub Ay Ka Yiraahdeen Gumaadkii PSG Ay U Geysatay Barcelona ?

    Gumaadkii maalinta jaceylka aduunka" ayaa ahaa eraygii ugu layaabka badnaa ee laga qoray wixii dhacay, xidigaha Barcelona qaarkood ayaa xalay mooday iney qaadanayaan hadiyada maalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gumaadkii maalinta jaceylka aduunka" ayaa ahaa eraygii ugu layaabka badnaa ee laga qoray wixii dhacay, xidigaha Barcelona qaarkood ayaa xalay mooday iney qaadanayaan hadiyada maalinta

jaceylka aduunka laakin midaasi waa la ilowsiiyay, hadaba maxay saxaafada Spain iyo France ka yiraahdeen ceebtii xalay dhacday ?

L’Equipe (France)

Caawinka Weyn:Musiibo!

Vincent Duluc:"PSG-Barça waxay kamid noqon doontaa habeenadii waa weynaa ee taariikhda yurub, ma ahan kaliya natiijada weyn, laakin waa qaabka ay mowjadaha weerar iyo duufaanada qaaday ciyaartooyda Barcelona, waxay u muuqdeen caruur yaryar oo lugeyneysa.”

Damien Degorre:"Wixii ay sameeyeen xalay waxay aheyd, layaab, waxaanan caadi aheyn, ceebeysi iyo dhaqaaq isku xirnaansho, miraha guusha waxay u qalmeen kumanaan jeer, PSG waxay soo saartay xamaasad ciyaarta dhan ah, amaan dhan waxaa mudan Unai Emery, kaasoo run ahaantii dhisay.”

Sport (Spain)

 

Ciwaanka Weyn:Tani Ma AheynBarça

Albert Masnou:"Ma aysan aheynAndré Gomes, oo ahaa mid laga naxo, ama Iniesta oo aan la rumeysan karin, ama Busquets oo aan awood laheyn, amaSergi Roberto, oo baneeyay boosas ka weyn meel la qabsaday, ama Luis Suárez, oo aanba kubada taaban, amaMessi, oo meeshaba ka maqnaa. Barcelona waxay u baahan tahay in maamulka oo dhan meel cusub laga soo bilaabo, sababtoo ah guuldaradiiParis waxay aheyd dhaqan xumo, Barcelona waxay aheyd meel mar h--e duntay, waxay u muuqdeen boonbale ( caruusada caruurta ku ciyaaraan) oo ku jiray gacantaPSG, waxaa la ceebeeyay magaca kooxda.”

Miki Soria:"Barcelona ma aysan aqoon sida loogu falceliyo gumad guud oo ay geysatay PSG. Barça waxay la dhibaatootay dhibaato daafac, waxay ku guuldareysteen dagaal waliba oo shaqsiyadeed, weerar waliba oo PSG wuxuu ahaa qarow xun, halka ciyaartooyda PSG ay u muuqdeen kuwa u dhinta kubada waliba, Barça waxay la’eyd dhaqaaq”.

Mundo Deportivo (Spain)

 

Mundo Deportivo (Spain)

 

Ciwaanka Weyn:Musiino

 

Le Monde

 
Barcelona's Gerard Pique, Andres Iniesta and Sergio Busquets look dejected
Le Parisien

Ciwaanka Weyn:Mucjiso

Dominique Sévérac:"Malaha waa riyo run noqotay, hadiyad xili danbe imaatay, waxay aheyd dibad bax kubadeed, dadka kubada jecel waxay u aheyd kulan weyn, kooxaha waa weyn iyo ciyaartooyda waa weyn waxay u aheyd wax laga argagaxo, aqoon ayaan u laheynMSN, laakin haatan waxaan baranaye CDD – Cavani, Di Maria, Draxler – oo ah sadex aflaha cusub.”

Santi Nolla:"Dhabarjab weyn ayeey u aheyd‘Barcelonismo’ oo kalsooni waali ah ku qabay ciyaartooyda Barcelona, Barcelona waxay qaateen habeen qarow ah waxayna u muuqdaan kuwo yurub macsalaameeyay, kaliya mucjiso ka dhacda Camp Nou ayeey rajeyn karaan, Barcelona ma aysan awoodin iney kubada dib u soo ceshtaan ama dagaalamaan.”

Gabriel Sans:"Kooxda waxay aheyd kuwo aan la aqoosan karin oo kala daadsan, mana aysan alheyn hogaamiyeyaal shaqsiyadeed.”

Le Monde

 
Barcelona's Gerard Pique, Andres Iniesta and Sergio Busquets look dejected

Clément Guillou:"Guushaan layaabka laheyd waxay u weyn tahay Unai Emery, waxay si buuxdo u ilow siineysaa maamulka kooxdaasi wixii ka dhacay gudahaLigue 1.”

Le Parisien