Jaaliyadaha Dibadda ee Somaliland oo Qabanqaabinaya Banaanbaxyo ay ka hor samaynayaan Safaaradaha Imaaratku ku leyahay Caalamka oo ay kaga so horjedan Saldhiga Milleteri

0
Saturday February 18, 2017 - 08:23:58 in by Burco Office
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadaha Dibadda ee Somaliland oo Qabanqaabinaya Banaanbaxyo ay ka hor samaynayaan Safaaradaha Imaaratku ku leyahay Caalamka oo ay kaga so horjedan Saldhiga Milleteri

    Jaaliyadaha Qurbajooga ah ee kasoo jeeda Somaliland ayaa, intooda ugu badani qabanqaabinayaan mudaharaad lagaga soo horjeedo Saldhiga Milatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadaha Qurbajooga ah ee kasoo jeeda Somaliland ayaa, intooda ugu badani qabanqaabinayaan mudaharaad lagaga soo horjeedo Saldhiga Milatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera

mudaharaadkaas oo lagu hor qaban doono Safaaradaha Dawllada Isutagga Imaaraadka Carabtu ku leedahey dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Mudaharaadyadan Qurba jooga Reer Somaliland kaga soo horjeedaan Saldhiga Milatari ee dhawaan sida jujuubka ah lagaga ansixiyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) ayaa ah kuwa abaabulkoodu maalmihii u dambeeyay si xoog ah uga socdey dalka dibaddiisa gaar haana dalalka Yurub waxa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda ee Todobaadkan si isdaba jog ah uga dhici doono halkaasi si Dawllada Imaraadka Carabtu ugu Tusaale qaadato dareenka xasaasiga ah ee Rayulcaamka Bulshada Somaliland ku waajaheen qorshaha Saldhiga Millatari.

Xiisada ka dhalatey heshiiskan dhalanteedka ah ee shakhsiyaad gaar ahi ugu tagri faleen awooda Madaxweyne Siilaanyo khusuusana Wakiilka Xukuumada Somaliland u qaabilsan Dawllada Imaaraadka carabta oo ah wiilka uu Madaxweynuhu soddoga u yahey Baashe Cawil Xaaji Cumar oo aan cid ku lamaaneynin dhinaca Xukuumada ayaa xiisadiisu cirka isku shareertey taas,oo u gudubtey dalka dibadiisa islamarkaana, dhalisey in ay qurbajioogu abaabul xoogan oo lagaga soo horjeedo ka qabanqaabiyaan dalal badan si mudaharaadyo loogu hor qabto Safaaradaha Dawllada Imaaraadka Carabtu ku leedahay dalal badan oo Qaarada Yurub ah.

 

Guud ahaanba bulsha weynta Somaliland ayaa, la fajacsan wali nuxurka ku lamaan heshiiskan Saldhiga Millatari Madaarka Berbera loogu wareejinayo Dawllada Imaraadka Carabta.