Dood Cilmiyeed Ciidamada Boolisku Ka Horjoogsadeen Dhalinyarada Taageersan Xisbiyada Mucaaridka Ee Gobolka Gabiley

0
Saturday February 18, 2017 - 13:34:15 in by Burco Office
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood Cilmiyeed Ciidamada Boolisku Ka Horjoogsadeen Dhalinyarada Taageersan Xisbiyada Mucaaridka Ee Gobolka Gabiley

    Gabiley(AFKA)-Ciidamada Booliska Gabiley ayaa horjoogsadey dood cilmiyeed ururka Waadiga Fikirku Magaalada Gabiley ugu qabanayeen dhalinyarada sadexda Xisbi qaran Kulmiye Ucid iyo Wadani waxaana, lagu amrey guud ahaanba dhalinyaradii isugu yimid hool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(AFKA)-Ciidamada Booliska Gabiley ayaa horjoogsadey dood cilmiyeed ururka Waadiga Fikirku Magaalada Gabiley ugu qabanayeen dhalinyarada sadexda Xisbi qaran Kulmiye Ucid iyo Wadani waxaana, lagu amrey guud ahaanba dhalinyaradii isugu yimid hoolka loogu talagaley in doodaasi lagu qabto in ay si degdeg ah ukala dareeraan.

Ilaa iyo hada lama garanayo cida dhab ahaan uga dambeysay amarka lagu horjoogsadey dood cilmiyeedkan loo qabanyey dhalinyarada kala taageersan sadexda Xisbi qaran ee Gobolka Gabiley,inkastoo aaney goobta markii horeba kasoo xaadirin dhalinyarada taageersan Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley inkastoo indhawaale uu Magaalada Gabiley ka jirey dareeno badan oo y kaga shaki qabeen madaxda Kulmiye dhalinyarada Gobolka oo mudooyinkii dambe u xuubsiinayey dhinaca Mucaaridka waxa ay talaabada caawu sii kordhisey xiisada mucaaridnimo ee dhalinyarada Gobolka Gabiley qeybo badan oo kamid ah oo qabanqaabinayey in ay ka diga rogtaan Kulmiye.

 

Dhawaan ayey aheyd markii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si weyn loogu soo dhaweeyay Gobolka Gabiley kadib markii uu kasoo laabtey dalka Itoobiya taas,oo kusoo beegantey in Xabsiga loo taxaabey dhalinyaro taageersan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani waxa ay xiligan Gabiley u muuqataa in aaney Maamulka Gobolka iyo Ka Golaha Deegaankuba aaney raali ka aheyn in Xisbiyada Mucaaridku dhaqdhaqaaq ka sameeyaan Gabiley taas,oo laga shaki qabo in ay Mucaaridad xoogani ka dhalato.Gudoomiyaha Ururka soo qabanqaabiyay dood cilmiyeedkan Waadiga Fikirka Mustafe Muxumed Xasan(Mustafe Muxumed Cade),ayaa si adag u cambaareeyay talaabada lagaga horjoogsadey dood cilmiyeedka ay u qabanayeen dhalinyarada Sadexda Xisbi qaran ee Gobolka Gabiley taas oo ku tilmaamey ay tahey talaabo fool xun oo baalmarsan shuruucda dalka.